3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 13, 2017
SWEDEN: Soo dhaweyn loo sameeyay Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya


Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Stockholm, caasimadda dalka Sweden, ayaa xaflad casho sharaf ah oo soo dhaweyn ah waxa ay xalay ugu sameysay maqaayadda weyn ee Juba Restuarant Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan (Koofi) iyo Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo ka howl-gala xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Soo dhaweynta iyo xafladda oo aheyd mid si weyn loo soo abaabulay ayaa waxaa ka qeyb -galay qeybaha kala duwan ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee Stockholm, sida madaxda ururada bulshada, odayaasha, haweenka, dhallinyarada,aqoonyahannada iyo bahda ciyaaraha.

Waxaa halkaasi gabay qiimo badan oo waddaniyadeed ka soo jeediyey abwaanka weyn ee Soomaaliyeed Abwaan Mustafa Shiikh Cilmi.

Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Maxamed Aadan (Koofi), oo safarshaqo ku jooga Yurub, ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed uga warbixiyey howlaha hey’adda iyo horumarka ay ka gaartay dhinaca maamulka arrimaha socdaalka. 

Sidoo kale waxa uu agaasimuhu ka warbixiyey arrimaha la xiriira baasaboorka Soomaaliga iyo aqoonsigiisa, wuxuuna ka jawaabay su’aalo la xiriira arrimaha socdaalka ee dalka.

Ugu dambeyntii waxaa kulanka qudbad aad dheer ka soo jeediyey Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare)ookahowlgalaXafiiskaMadaxweynaha.

Khudbada Cali Yare ayaa isugu jirtay ka warbixin xaaladd aguud ee uu dalka marayo, waxyaabaha u qamsoomay dowladda Soomaaliya, iyo qorshayaashooda soo socda.

Waxa uu sheegay in horumar weyn laga sameeyey dhinacyada amniga, dowlad wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

Kulanka soo dhaweynta waxa uu ku soo dhammaday jawi aad u deggan oo madaxdii iyo martigii joogtay ay ku qanceen.













Click here
8/13/2017 10:54 AM EST
Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) –Taliska Booliska Magaalladda Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayaa ku amray dadka ka yimaada deeganada ay maamulaan Ururka Al Shabaab in aysan soo geli karin magaalladda.

8/13/2017 10:16 AM EST
Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in cudurka dabeysha laga cirib tiray guud ahaan dalka Soomaaliya muddadii sadexdii sano ahayd ee la soo dhaafay.

8/13/2017 9:41 AM EST
Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo degtay diyaarad siday Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo ka soo duushay degmada Xuddur.

8/13/2017 9:18 AM EST
Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) – Wasiirka wasaaradda arimaha dibada Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta hortagay mudanayaasha baarlamaank Soomaaliya, isaga oo ka jawaabay su’aalo dhowr ah oo la weydiiyay.

8/13/2017 8:28 AM EST
Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qayb-galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Hanti dhowraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) oo dhawaan la magacaabay, waxaana xilka ku wareejiayay ku simaha Hanti dhowraha Qaranka Cali Abuukar Axmed.

8/13/2017 8:16 AM EST
Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) - Sheekh Mukhtaar Robow Abu Mansuur oo horay u soo noqday Amiir ku-xigeenkii Ururka Al-shabaab ayaa tagay degmada Xuddur kaddib dagaal ba’an oo labadii cisho ee la soo dhaafay uu la gallay xoogag ka tirsan Al-shabaab ku soo weeraray deegaankii saldhiga u ahaa ee Abal oo ka tirsan gobolka Bakool.

8/13/2017 8:02 AM EST
Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) - Qaraannada u doodaya xubnaha cabashada ka keenay doorashadii xubnaha gollaha shacabka ayaa ugu baaqay hay’addaha dowladda in la fuliyo go’aankii ay horay u gaartay maxkamada sare ee ka dhanka ahaa 8 xildhibaan ee kuraastooda lagu muransan yahay.

8/13/2017 7:12 AM EST
Axad, Augusto 13, 2017 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in goor dhaw halkaa is casilaad uga dhawaaqeen 11 wasiir oo ka tirsanaa maamulka gobolleedka Hirshabeelle.

8/13/2017 6:21 AM EST
Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) - Hal qof ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhintay ku dhawaad 20 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib marki baabuur la jiirsiiyey kooxo iska soo horjeeday oo ku banaanbaxayey magaalada Charlottesville ee gobolka Virginia.

8/13/2017 5:03 AM EST
Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay ka qeybgalay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayey Maalinta Dhalinyarada Adduunka oo ay soo qabanqaabisay Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha. Xafladan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiiro ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, dhalinyaro iyo martisharaf kale.

8/13/2017 3:41 AM EST
Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) –Hogaamiyihii hore ee Xarakadda Al Shabaab Sheekh Mukhtaar Roboow Abuu Mansuur ayaa gaaray magaalladda Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, halkaas oo uu kulan kula leeyahay mas'uuliyiin maamulka Koonfur-galbeed iyo dowladda Soomaaliya ka tirsan.

8/13/2017 3:35 AM EST
Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) – Laba qof ayaa ku dhaawacmay degaanka Xalin oo ka tirsan degmada Taleex, kaddib markii ay halkaa tageen howlwadeennada Kaararka codeynta doorashada Soomaaliland.

8/13/2017 3:24 AM EST
Axad, August, 13, 2017 (HOL)- Maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa go’aan ka soo saartay dacwaddii xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle usoo gudbiyey ee uu kaga cabanayey in natiijadii codadkii xildhibaanadda ee doorashaddii gudoomiyaha golaha Wakiiladda la is daba mariyey,isla markaana uu yahay gudoomiyaha golahaasi.

8/13/2017 2:58 AM EST
Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) –Maxamed Faarax (Mo Farah) ayaa xalay ku guuldareystay inuu ku guuleysto billada dahabka orodka shanta kun ee mitir ee tartanka ciyaaraha Atlaletic-kadda adduunka.

8/13/2017 2:33 AM EST
Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) –Qarax ka dhacay magaalladda Quetta ee dalka Pakistan ayaa waxa ugu yaraan ku dhintay 15 qof halka 32 kalena ay ku dhaawacmeen.

8/13/2017 2:22 AM EST
Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) –Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu shaqaalleysiin doono ku dhawaad 1,000 qof oo dhallinyaro ah.

8/13/2017 1:36 AM EST
Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) –Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) ayaa ka qayb galay Munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee dhalinyaradda aduunka oo sanad walba la qabto 12-ka bisha Ogoosto oo ku beegeyd shalay.