4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 13, 2017
Abuu Mansuur oo isku dhiibay ciidamada maamulka Koonfur-galbeed

Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) –Hogaamiyihii hore ee Xarakadda Al Shabaab Sheekh Mukhtaar Roboow Abuu Mansuur ayaa gaaray magaalladda Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, halkaas oo uu kulan kula leeyahay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur-galbeed iyo dowladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta maamulka Koonfur galbeed, ayaa dhinaca kale xaqiijiyay in Mukhaar uu isku soo dhiibay ciidamada maamulka koonfur galbeed iyo kuwa dowladda.

Taliyaha Booliska gaarka ah ee Maamulka koonfur Galbeed Shiine Macalin Nuurow oo la hadlay Warbaahinta ayaa wuxuu sheegay ciidamada Koonfur Galbeed inay si nabadgelyo ah ku soo dhaweeyeen Abuu Mansuur.

“Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo sanadihii dambe ku sugnaa deegaanka Abal, ayaa saaka go’aansaday inuu isku soo dhiibo Maamulka Koonfur, Abal ayuu iska soo dhiibay ciidanka dowladda ayuu hadda la socdaa.” ayuu yiri Afhayeenka.

Waxaa dagaallo goos-goos ah maalmihii lasoo dhaafay ay ka socdeen deegaanka Abal ee gobolka Bakool, kuwaas oo u dhaxeeyay dagaalyahanno kala taabacsan al-Shabaab iyo kuwa kale oo uu hoggaaminayo amiir ku xigeenkii hore ee kooxdaasi Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur. 

Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegey in ay dagaalkaasi ka qeyb galeen ayna ceyriyeen kooxdii al-Shababa ee soo weerartay Mukhtaar Roobow. 

Arbacadii-tii lasoo dhaafay ugu yaraan 19 dagaalyahanno oo ka kala tirsan Al Shabaab iyo ciidamo daacad u ah Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, ayaa ku dhintay dagaal xooggan oo ka dhacay galbeedka Gobolka Bakool, sida saraakiil ay sheegeen.

Dagaalka ayaa waxaa uu aroornimadii hore uu ka dhacay degaanka Abal, oo fariisimo ay ku leeyihiin ciidamada Abuu Mansuur.

Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa mudo kooban gacanta ku dhigay deegaanka balse waxaa dib ula wareegay ciidamadii daacada u ahaa Mukhtaar Roobow Ali Abuu Mansuur.

Ku-simaha Madaxweynaha Koofur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi, ayaa sheegay in dagaalka uu aad u kululaa.

Dhinaca kale Saraakiil ayaa xaqiijiyay in 13 dagaalyahanno oo ka tirsan Al Shabaab iyo lix askari oo daacad u ah Mukhtaar lagu dilay dagaalka, balse ma aysan sheegin haddii uu jiro khasaare gaaray dad rayid ah.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia