4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 12, 2017
Maxkamad ku taal dalka India oo xukuntay maxaabiis Soomaali ah

Sabti, Augusto 12, 2017 (HOL) –Maxkamad ku taalla dalka India ayaa shalay oo jimco aheyd xukun ku riday 27 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo ciidamada India sanadkii 2011 ay ka qabteen badda dalkaasi.

27-ka qof ayaa midkiiba lagu xukumay todobo sano oo xabsi ah, iyadoona sidoo kale maxaabiista lagu ganaaxday 17,000 oo Rubbiis in midkiiba uu bixiyo.

Maxaabiista ayaa waxaa la filayaa in Dowladda Soomaliya lagu soo wareejiyo, waxaana maxkamadda ay ku eedeysay in ay horay u afduubteen doomo iyo maraakiib laga leeyahay dalka India.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Yuusuf Garaad Cumar, oo dhawaan dalka India u tegay arrimo la xiriira maxaabiista Soomaalidda ee dalkasi ku xiray, ayaa sheegay in guulo la taaban karo ay arrintaasi kasoo gaareen.

Dadaalka Dowladda Soomaaliya ay ugu jirto sidii loo soo deyn lahaa maxaabiis badan oo Soomaaliya uga xiran xabsiyo kuyaalla daafaha caalamka ayaa ka mid ah talaabooyinkii ay Dowladdu qaaday, iyadoo ay soconayaan qorshayaal kale.

“Dhawaan waxaan heshiis la soo saxiixanay madaxda dalka India kaasi oo ku saabsan sidii loo sii deyn lahaa maxaabiista xabsiyada dalkaasi kujirta, waana la soo deynayaan, sidoo kale  waxaan maamulka Jasiirada Seyshells aan madaxdeeda kala hadalnay sidii xoriyadooda loo siin lahaa maxaabiis Soomaaliyeed oo kujirta xabsiyada dalkaasi xukunkoodana ay Soomaaliya ku dhameystaan”, ayuu yiri Yuusf Wasiir Garad Cumar.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia