4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 12, 2017
Ciidanka dowladda oo la wareegay deegaanka Abal oo Al Shabaab iyo ciidamada Abuu Mansuur ay ku dagaallameen

Sabti, Augusto 12, 2017 (HOL) –C/raxmaan Max’ed Cusmaan Timacadde, oo kamid ah saraakiisha ciidanka xooga dalka oo kusugan gobolka Bokool ayaa xaqiijiyay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay la waregeen deegaanla Abal oo dhawan ay ku dagaallameen Al Shabaab iyo ciidamo daacad u ah Abu Masuur.

Sarkaalka ayaa dhinaca kale sheegay in maleeshiyadka daacadda u ah Abuu Mansuur oo ku sugan goob buuralay ah ay iska difaaceen al shabaabkii weerarka kusoo qaaday.

Xaaladda ayaa maanta degan balse waxaa la dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo dagaal, iyadoona ay go’antahay isgaarsiinta.

Cutubyo katirsan ciidanka xooga dalka ayaa saaka u amba baxay deegaanadii lagu dagaalamay, iyagoo xoojinayo gurmadka ku aadan sidii halkaasi looga saari lahaa dagaalyahannada Al Shabaab oo Abuu Mansuur weerarka ku soo qaaday.

Khamiis-tii lasoo dhaafay Ugu yaraan 19 dagaalyahanno oo ka kala tirsan Al Shabaab iyo ciidamo daacad u ah Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, ayaa ku dhintay dagaal xooggan oo Arbacadii ka dhacay galbeedka Gobolka Bakool, sida saraakiil ay sheegeen.

Dagaalka ayaa waxaa uu aroornimadii hore uu ka dhacay degaanka Abal, oo fariisimo ay ku leeyihiin ciidamada Abuu Mansuur.

Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa mudo kooban gacanta ku dhigay deegaanka balse waxaa dib ula wareegay ciidamadii daacada u ahaa Mukhtaar Roobow Ali Abuu Mansuur.

Ku-simaha Madaxweynaha Koofur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi, ayaa sheegay in dagaalka uu aad u kululaa.

Dhinaca kale Saraakiil ayaa xaqiijiyay in 13 dagaalyahanno oo ka tirsan Al Shabaab iyo lix askari oo daacad u ah Mukhtaar lagu dilay dagaalka, balse ma aysan sheegin haddii uu jiro khasaare gaaray dad rayid ah.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia