4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 12, 2017
Farmaajo “ Uhuru Kenyatta ma aha saaxiib qura balse waa hoggaamiye dadaal badan oo dareen horumarineed leh”

Sabti, Augusto 12, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay dhigiisa Mudane Uhuru Kenyatta, kaas oo markii labaad loo doortay madaxweynaha dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa yiri “Madaxweyne Kenyatta ma aha saaxiib qura, balse waa hoggaamiye dadaal badan oo dareen horumarineed leh. Waan ugu hambalyeynayaa guushiisa.”

“Madaxwyene Farmaajo waxa uu kalsooni weyn ku qabaa in dib u doorashada Madaxweyne Kenyatta ay sii xoojineyso xiriirka wanaagsan ee haatan ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya”, ayaa lagu yiri warka.

“Aniga iyo Madaxweyne Kenyatta waxaan wadaagnaa hiraal ku dhisan nabad, xasillooni iyo koboc dhaqaale oo dhexmara labadeenna dal iyo guud ahaa gobolka.”

Soomaaliya waxaa kala dhaxeeya Kenya xiriir dhaqaalle iyo mid diblomaasiyadeed oo qotodheer, kaas oo sii xoogeystay kaddib markii Madaxweyne Farmaajo uu booqday Nayroobi bishii Maarso ee sanadkan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay hormariso nabadda, ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale ee ay la wadaagto Kenya.

Musharraxan oo ka tirsan xisbiga Jubilee ayaa helay 54% codadkii la dhiibtay halka musharraxa xisbiga mucaaradka Raila Odinga uu helay 44% codadkii la tiriyay.

Xisbiga mucaaradka ah ee NASA ee uu hogaamiyo Raila Odinga ayaa sheegay in aysan ku qanacsaneyn sida ay u dhacday doorashadan, balse kormeereyaasha caalamiga ah ayaa ammaanay gudiga iyaga oo sheegay in ay qabteen doorasho xor iyo xalaal ah.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia