4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 24, 2017
DAAWO: Askar ka tirsan Booliska Soomaaliya oo tababar loogu soo xiray Kismaayo
Isniin, April, 24 2017 (HOL) -Madaxweeynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam ayaa magaalada Kismaayo tababar ugu soo xiray dufcaddii 3-aad ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed qeybtooda Jubaland, kuwaa oo bilooyinkii u danbeeyay uu tababar dhanka ciidanka ah uga socdeen dugsiga tababarka Booliska ee Kismaayo.

Munaasibaddii xiritaanka tababarka waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. C/xakiim Daahir Saciid Saacid. saraakiisha ciidamada Jubaland iyo kuwa xoogga dalka, madax ka socotay AMISOM oo uu kamid yahay Wakiilka gaar ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira iyo masuuliyiin kale.

Ciidamadan oo ay tiradoodu gaareeysay 201 askari, ayaa waxaa tababarkooda iska kaashaday, Qaramada Midoobay, AMISOM iyo dowladda Soomaaliya.

Halkan ka daawo Ciidamada tababarka loo soo xirayo iyo khudbadihii madaxda;


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.