4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 24, 2017
Guddoomiye Taabid: "Waxaa iga go’an in maamulkeeyga ay ka dhex muuqdaan Gabdho"

Isniin, April, 24, 2017 (HOL) -Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed, ayaa maanta magacaabay Guddoomiye ku-xigeennada maamulka Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka.

Xilalka cusub ee uu magacaabay Guddoomiyaha ayaa waxaa dadka lafagura siyaasada ay sheegayaan in si hordhac ah uu uga dhabeeyey Ballanqaadkiisa ku aadanaa inay Haweenku ka mid noqan doonaan Madaxda iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Gobalka Banaadir.

Subeyda Maxamed Mukhtaar iyo Marwo Muluuka Dheere Sheekh C/qaadir, ayaa maanta waxaa xilal ay ka heleen maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa Ballanqaadkaasi  ku dhawaaqay bishan April 15-dii, oo uu si rasmi ahaan xilka Maamulka Gobalka Banaadir uu ugala wareegay Guddoomiye hore, Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaala “Madaale”.

Xafladaasi oo xilli habeen ah lagu qabtay Aqalka Gobalka Banaadir “Ex-Ufficio Governo”, waxa uu Guddoomiye Taabid carrabka ku dhuftay inay Maamulkiisa ka mid noqon doonaan Haween (tiro iyo tayo ahaan) la amaani doono.

Akhriso magacyada guddoomiye ku-xigeennada cusub :

Gudoomiye ku-xigeennada iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka G/Banaadir.

1- Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda waxaa loo magacaabay. Marwo Muluuka Dheere Sheekh C/qaadir

2- Guddoomiye ku Xigeenka Siyaasada iyo Amniga waxaa loo Magacaabay: Mudane Saalax Sh.Maxmaed

3- Guddoomiye Kuxigeenka Arimaha Bulshadda waxaa lo magacaabay: Mudane C/llaahi Xaaji Erig.

4- Guddoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud waxaa loomagacaabay: Aadan Sh Cali

5- Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir waxaa loo magacaabay: Subeyda Maxamed Mukhtaar

Labo Haween ayaa ka mid ah Guddoomiye ku-xigeennada cusub iyo Xoghayaha Guud, taasoo noqoneysa markii u horeysay oo Haween ka mid noqdaan Mas’uuliyiinta sare ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Tallaabadda Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir, ahna Duqa magaalladda Muqdisho uu Xilalka Sare ugu magacaabay Haween Aqoonyahano ah, waxay muujinaysaa iney dhiiragelin u noqondoonta haweenka Soomaaliyeed, ee ku hanweyn in ay siyaasada kasoo dhex muuqdaan.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia