4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 24, 2017
Guddoomiye ku-xigeennada maamulka gobolka Banaadir oo la magacaabay [Sawirro]


Isniin, April, 24, 2017 (HOL) -- Goor dhaw ayaa lagu dhawaaqay gddoomiye  ku-xigeennada gobolka Banaadir uu yeelanayo iyo Xoghayaha cusub ee gobolka, iyadoo gabi ahaanba la badalay guddoomiye ku-xigeennadii hore.

Is bedelka lagu sameeyay Kuxigeenadii hore ee Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ayaa ahaa mid soo socday labadii todobaad ee u dambeeyay, waxaana ay qeyb ka aheyd is bedelkii uu ku yimid guddoomiye Taabid.

Labo Haween ayaa ka mid ah Guddoomiye kuxigeenada cusub iyo Xoghayaha Guud, taasoo noqoneysa markii u horeysay oo Haween ka mid noqdaan Mas’uuliyiinta sare ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Akhriso magacyada guddoomiye ku-xigeennada cusub :

Gudoomiye kuxigeenadda iyo Xoghayaha Guud Ee Maamulka G/Banaadir oo labadalay.

1- Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda waxaa loo magacaabay. Marwo Muluuka Dheere Sheekh C/qaadir

2- Guddoomiye ku Xigeenka Siyaasada iyo Amniga waxaa loo Magacaabay: Mudane Saalax Sh.Maxmaed

3- Guddoomiye Kuxigeenka Arimaha Bulshadda waxaa lo magacaabay: Mudane C/llaahi Xaaji Erig.

4- Guddoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud waxaa loomagacaabay: Aadan Sh Cali

5- Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir waxaa loo magacaabay: Subeyda Maxamed Mukhtaar

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]