Mareykanka oo ka digay korarka weerarada kooxaha burcad badeeda
Isniin, April, 24, 2017 (HOL) – Dowladda Mareykanka ayaa
sheegay in kooxaha burcad badeedka ay ku soo laabteen biyaha ka baxsan xeebaha
Soomaaliya, hasse ahaatee Mareykanku waxaa uu sheegay in korarka burcad badeeda
ee maraakiibta ganacsi wali noqon kuwo
leh jiho loo raaco.
Weeraradan cusub ayaa imanaya kadib shan sano oo uu gobolka ka nastay
weerarada burcad badeedka oo heerki ugu xumaa gaaray inti u dhaxeysay sanadihii
2010-2012-kii.
Arrintaasi waxay keentay in ciidamada badda Mareykanka iyo kuwa Midowga
Yurub ay qaadaan olole weyn oo ka dhan ahaa burcad badeeda.
Shir jaraa,id oo ay si wada jir ah shalay ugu qabteen dalka Jabuuti
xoghayaha difaaca Mareykanka Jim Mattis iyo taliyaha ciidamada Mareykanka ka
jooga Africa ayey ku sheegeen in ay jireen dhowrki todobaad ee lasoo dhaafay
ilaa iyo lix weerar oo ay burcad badeedu ku qaadeen maraakiib ganacsi oo ahaa
kuwo u nugul weerarka.
Xog-hayaha difaaca Mareykanka wuxuu sheegay in xitaa hadii ay sii socdaan
weerarada burcad badeedda uusan fileyn in taasi ay sababi doonto in Mareykanka
uu qaado tallaabo weyn oo dhinaca milatariga ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]