4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 23, 2017
Kumannaan ruux oo mashruuc Indha-fiiq lacag la'aan ah loogu soo gabagabeeyay Muqdisho iyo Kismaayo


Axad, April, 23, 2017 (HOL) – Mashruuc isugu jiray daweyn iyo indho fiiqis bilaash ah oo ay ka faa’iideysteen kumanaan ruux ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23-ka Abriil sanadka 2017 waxaa lagu soo gebagebeeyey magaalada Kismaayo.

Dadka ka faa’iideystay mashruucan ayaa waxay isugu jiraan barakacayaal iyo dad danyar ah kuwaasoo aan wax lacag ah laga qaadin haba yaraatee sida uu sheegay Agaasimaha Isbitaalka Indhaha Al-Nuur Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo hogaaminaya dhaqaatiir Soomaali iyo ajnabi iskugu jira oo fulisay Mashruucan.

“Hirgelinta howshan samafalka ah waxaa iska kaashanaya dhaqaatiir Soomaali iyo ajnabi leh oo kala socota Heyadda Al-Nuur Foundation Somalia oo aan madax u ahay iyo Doctors Worldwide ee dalka Turkiga” ayuu yiri Dr. Dalmar.

Qeybta hore ee mashruucan ayuu sheegay Dr. Dalmar in todobaadkii hore laga fuliyey Isbitaalka Al-Nuur ee magaalada Muqdisho, halkaasoo arraga loogu fiiqay ayuu yiri dad gaaraya 584 qof, halka 5,672 qof loo sameeyey baaritaano iyo daweyn, wuxuuna xusay 2,429 qof oo kale loo qeybiyey ookiyaaleyaal ama indha gashi.

Qeybta labaad ee Mashruucan ayuu sheegay in lagu soo gebagebeeyey Isbitaalka Daryeel ee magaalada Kismaayo, ayna ka faa’iideysteen dad gaaraya 3,524 qof oo loo sameeyey daweyn, halka 1,875 qofna loo qeybiyey Okiyaale, wuxuuna xusay in dad gaaraya 439 qof iyana loo sameeyey qaliimo indhaha loogu fiiqay.

Dr. Dalmar ayaa xusay in howshan samafalka ay dalka qeybo ka mid ah ka soo wadeen sanadihii la soo la soo dhaafay, ayna rajeynayaan in sanadaha soo socda ay sii wadaan.

“Marka hore waxaa u mahad celinayaa ILAAHAY-ga suurageliyay fulinta hawshan samafalka ah. Sidoo kale waxaan u mahadcelinaya hay'adda DWWT ee Turkiga oo mar walba la garab taagan taakulaynta iyo fududaynta hawlahan samafalka ah” ayuu yiri Dr. dalmar oo sidoo kale u mahadceliyay dhamaan takhaatiirtii iyo kalkaalyaashii kala qaybgalay fulinta hawshan sida guusha leh ku soo dhamaatay.

Waxaa uu intaa ku daray in hawshan ay qayb ka tahay mashruuca wayn ee daryeelka aragga iyo ka hortagga indha la'aanta oo ay ka fulin doonto hay'adda Al-Nuur Foundation oo uu isagu aasaasay sannadkii 2005.

Dr. Dalmar ayaa xusay inta ka hartay Sanadkan 2017-ka ay u qorsheysan tahay in si bilaash indhaha loogu fiiqo dad gaaraya afar kun oo qof oo ku kala sugan Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood, isagoo intaas ku daray in mashruucan ay gaarsiin doonaan magaalooyin ay ka mid yihiin, Baydhabo, Jowhar, Cadaado, Dhuusamareeb, Gaalkacyo iyo meelo kale.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Daryeel ee magaalada Kismaayo Dr. Abdisamad Abiikar Xaaji ayaa isna sheegay in Isbitaalka Daryeel uu diyaar u yahay soo dhoweynta iyo ka qeyb qaadashada howlaha bulshada loogu samafalayo, isagoo u mahad celiyey heyadihii iyo dhaqaatirtii ka qeyb qaatay mashruucan qiimaha leh.

Dadka danyarta ah ee sida bilaashka ah uga faa’iideystay mashruucan samafalka ah qaarkood oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay iyagoo wajiyadooda ay ka muuqatay farxad in loo sameeyey daweyn iyo qaliimo ay u baahnaayeen, aysana jirin wax qarash ah oo laga qaaday, iyagoo u mahad celiyey maamulka Isbitaalka indhaha Al-Nuur iyo hey’adihii kale ee gacanta ka geystay howshan samafalka ah.

Ugu danbeyntii, dadkii ka faa'ideystay qaliinnadan lacag la'aanta ayaa ka mahad celiyay, iyaga oo sheegay in mudo dheer kadib hadda uu dib aragoodii ugu soo laabtay.