4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 23, 2017
Haweeney ka shaqeysa ilaalinta deegaanka oo lagu dhaawacay Kenya

Axad, April, 23, 2017 (HOL) – Koox hubaysan ayaa dalka Kenya ku dhaawacay Kuki Gallmann, oo ah haweeney ka shaqeysa ilaalinta deegaanka isla markaana qoraa ah.

Waxaa lagu soo warramayaa in lagu toogtay beer ay ku leedahay deegaanka Laikipia, dhaawaceedana diyaarad loogu soo qaaday Isbitaal ku yaalla Nairobi.

Bishii lasoo dhaafay, ayaa dabley la rumaysan yahay in ay xoolo dhaqato yihiin waxaa ay gubeen hoteel loo dalxiis tago oo ay Ms Gallmann ku leedahay deegaankaasi.

Kuki Gallmann ayaa dabayaaqadii todobaatameeyadii waxa ay kasoo guurtay Talyaaniga, ayadoo degtay dalka Kenya.

Waxa ay ku caanbaxday xusuus-qorkeedii "Waxaan ku riyooday Afrika" kaasoo laga sameeyay filim ay jishay atirishada Maraykanka ah ee Kim Basinger.

Milkiilayaasha seeraha ee deegaanka Laikipia ayaa ka dalbaday dowladda Kenya in wax ka qabto ammaan darrida, xilli ay dad xoolo dhaqata ah xoog ku haystaan qeybo ka mid ah seerahaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]