4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2017
Sagaal Askari oo ka tirsan ciidamada Puntland oo qarax lagu dilay

Axad, April, 23, 2017 (HOL) –Inta la xaqiijiyay sagaal askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku geeriyooday weerar miino oo ka dhacay deegaanka Gal-gala oo ay isku hor-fadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa daacad u ah ururka Al-shabaab.

Taliyaha aag-ga Gal-gala Gashaanle Cabdiraxmaan Faarax Gurxan oo waraysi kooban siiyay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid xoogan , isla markaana ciidamada Puntland ay iska caabin ku sameeyeen kooxihii weerarka soo qaaday.

Waxa uu sheegay in is-rasaasyn muddo socotay ay dhex-martay ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday ,isaga oo sheegay in tiro ka tirsan kooxihii weerarka soo qaaday goobta lagu dilay.

Taliyaha ayaa ka gaabsaday in uu faah-faahin dheer aad ah ka bixiyo weerarkan oo la aaminsan-yahay in uu yahay kii ugu dhimashada badnaa mudooyinkan oo lala eegto ciidamo ka tirsan Puntland gaar ahaan kuwooda ku sugan buuralayda Gal-gala.

Tiro dhaawacyo ah oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa la soo gaarsiiyay maanta duhurkii cisbitaalka Bosaaso ,waxaana sida la sheegay tirada dhaawaca ah ay kor u dhaafyasaa ilaa afar askari ,kuwaasi oo kamid ahaa askarta la weeraray.

Ugu danbayn, ciidamo ka tirsan Puntland ayaa la sheegay in ay ka baxeen degmada si ay u ugu biiraan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee Buuraha Gal-gala , xilli Kolonyada la weeraray ay ku jireen saraakiil xilal muhiim ah  ka hayay ciidamada gobolka.

Hiiraan Online News Desk