3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 23, 2017
Shacabka Faransiiska oo maanta u dareeray doorashada madaxtinimada dalkaas

 Axad, April, 23, 2017 (HOL) – Shacabka dalka Faransiisa ayaa maanta oo Axada ah u dareeray goobaha doorashada madaxtinimada dalkaas, waxaana siweyn loo adkeeyay amniga.

Illaa 50-kun oo boolis iyo illaa 7,000 oo ciidamo Milateri ah ayaa la geeyay dhamaan magaalooyinka dalkaas, si ay u xaqiijiyaan ammaanka goobaha doorashada ka dhaceyso.

Ilaa 11 Musharax ayaa isku garbinaya inay noqdaan Madaxweynaha soo socda ee dalkaas, iyadoo la filayo labada musharax ee ugu codka badan ay u gudbaan wareega labaad ee doorashada Madaxweynaha oo dhici doonta bisha May.

Musharaxiinta qaar ayaa yeeshay doodo kulul oo ka baxeysay Telefishinada, waxaana xisbiyada u tartamaya xilka Madaxtinimada ay isku dhaafsadeen hadalo kulul.

Afarta Musharax ee ugu cad cad ayaa waxay kala yihiin Francois Fillon, Marine Le Pen, Emmanuel Macron iyo Jean-Lug Melenchon.

Madaxweynaha xilka haya Francois Hollande oo xilkan loo doortay sanadkii 2013 ayaan tartami doonin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/23/2017 1:45 PM EST
Axad, April, 23, 2017 (HOL) – Mashruuc isugu jiray daweyn iyo indho fiiqis bilaash ah oo ay ka faa’iideysteen kumanaan ruux ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23-ka Abriil sanadka 2017 waxaa lagu soo gebagebeeyey magaalada Kismaayo.

4/23/2017 1:26 PM EST
Axad, April, 23, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaalkii ugu horeeyay ee dalka gudihiisa ku tagay magaalada Baydhabo ayaa sheegay sababta safarkiisa iyo waxa uu u doortay in uu Baydhabo ka bilaabo.

4/23/2017 11:19 AM EST
Hay’ada Tayo ayaa ku qabatay magaaladda Minneapolis kulan ay ugu magac dartay Wadaraynta Isbadaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya & Maraykanka

4/23/2017 9:49 AM EST
Axad, April, 23, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baydhabo oo safarkiisii ugu horeeyay uu ku tagay tan iyo markii la doortay xilka madaxweynaha.

4/23/2017 8:40 AM EST
Axad, April, 23, 2017 (HOL) – Koox hubaysan ayaa dalka Kenya ku dhaawacay Kuki Gallmann, oo ah haweeney ka shaqeysa ilaalinta deegaanka isla markaana qoraa ah.

4/23/2017 7:39 AM EST
Axad, April, 23, 2017 (HOL) –Inta la xaqiijiyay sagaal askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku geeriyooday weerar miino oo ka dhacay deegaanka Gal-gala oo ay isku hor-fadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa daacad u ah ururka Al-shabaab.

4/23/2017 7:12 AM EST
Axad, April, 23, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw oo maanta ah gaaray magaalada Baydhabo e xarunta gobolka Baay

4/23/2017 5:12 AM EST
Axad, April, 23, 2017 (HOL) -Qatarta in uu qarxo dagaal la isku adeegsado hub nuclear ah ayaa mareeysa heerkeedii ugu sareeysay tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu dhamaaday dagaalkii qaboobaa ee dunida, warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa sidaa lagu yiri, waxayna kusoo aaday arintan xilli ay xiisad ka dhex aloosantahay dalalka heysta awoodda nuclearka ee Mareeykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

4/23/2017 4:13 AM EST
Axad, April, 23, 2017 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta ku wajahan magaalladda Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur-Galbeed Soomaaliya.

4/23/2017 3:51 AM EST
Axad, April, 23, 2017 (HOL) -Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, ayaa sheegay 20-ka bisha May ee sanadkan, in la qaadi doono Imtixaanka shahadiga ee Dugsi Sarre.

4/23/2017 3:17 AM EST
Axad, April, 23, 2017 (HOL) -Feysal Cumar, oo ah sawir-qaade la shaqeeya Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa xalay ka badbaaday Qarax loogu xiray gaarigiisa.

4/23/2017 2:46 AM EST
Axad, April, 23, 2017 (HOL) -Dagaalamayaasha Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay sheegay in ay Madaafiic ku garaaceen Garoonka Diyaaradaha Bali-doogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

4/23/2017 2:14 AM EST
Axad, April, 23, 2017 (HOL) -Burcad-Baddeed Soomaali ah ayaa sii daayay Markab shidaal iyo Siddeed shaqaalle oo saarnaa khamiistii lasoo dhaafay, sida ay sheegeen saraakiil dhinaca hay’addaha amniga iyo kooxo Burcad-baddeed ah.