4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 23, 2017
Burcad-Baddeed Soomaali ah oo siidaayay Markab iyo shaqaallihii saarnaa

 
Axad, April, 23, 2017 (HOL) -Burcad-Baddeed Soomaali ah ayaa sii daayay Markab shidaal iyo Siddeed shaqaalle oo saarnaa khamiistii lasoo dhaafay, sida ay sheegeen saraakiil dhinaca hay’addaha amniga iyo kooxo Burcad-Baddeed ah.

Markabka iyo shaqaallihiisa ayaa la sheegay in madax furasho la’aan lagu sii daayay.

Shaqaallihii saarnaa Markabka oo u dhashay dalka Sri Lanka ayaa gacanta Burcad-Baddeeda galaya, bilihii lasoo dhaafay, waxaana ay ahaayeen afduubkii ugu horeyay ee ay Burcad-Baddeeda ku qabsadeen tan iyo sanadkii 2012.

Kooxaha Burcad-Baddeed Soomaalidda ayaa xaqiijiyay in ay sii daayeen shaqaallaha iyo markabkooda Madax furasho la’aan. Waxaana la sheegay in lagu heystay xeebaha dalka Soomaaliya.

16 bishan April Sarkaal Soomaali ah ayaa sheegay in ciidamada caalamiga ah ee ilaalada badda toogasho ku dileen Labo burcad badeed ah, halka mid kalana ay dhaawaceen.

Axmed Cabdullaahi oo ka mid ah xoogagga la dagaalanka burcad-Baddeeda ee dowlad-gobolleedka Puntland ayaa sheegay in labada ruux ee la toogtay ka mid ahaayeen sagaal burcad badeed ah, kadib markii Markab kuwa ciidamada ah uu rasaas ku furay meel aan ka fogeyn gacanka cadmeed.

Lix kale oo ka mid ahaa burcad-Baddeeda ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen weerarka ciidamada caalamiga ah ee ilaalada badda.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia