4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 22, 2017
Dowladda Imaaraadka iyo dadka ku nool dalkeeda oo lacago u uruurinaya dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ay saameeyeen

 

Sabti, April, 22, 2017 (HOL) -Dalka Imaaraadka Carrabta waxaa shalay oo Jimca aheyd ka bilowday Olole dhaqaale loogu uruurinayay dadka Soomaaliyeed ee Abaaraha ay daashadeen.

Ololahaan ayaa waxaa hogaaminayay Madaxa Golaha sare ee Hay’adda Bisha cas ee dalka Imaraadka Carrabta Sheekh Xamdan Bin Zaayid Aala Nahyan iyo ururada kale ee kheeyriga ah ee ka jira imaaradaha kale sida Dubai, Sharjah, cajmaan, fujeeyrah, Umul Qeeweeyn, iyo Rasalkheeymah.

TV-yadda ayaa si toos ah looga daawanayay, dhamaan magaallooyinka dalkaasi oo ay ka socdaan dhaqaalla uruurinta, waxaan la arkayay goobaha Suuqyada waaweyn iyo meelaha dadka ay isugu yimaadaan oo camiran.

Ololaha ayaa daba socda baaqii uu jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, taas oo aheyd in la saacideeyo Soomaalidda hadda Abaaraha ay la degeen.

Dhaqaalla uruurinta ayaa waxaa ka qeyb-qaadanaya dhamaan shacabka dalka Imaaraadka Carrabta ku nool, gaar ahaan Ganacsatadda, maalqabeenada iyo dadka kale ee caadiga ah.

Muuqaaladda iyo Sawirada laga qaaday goobaha dhaqaallaha lagu uruurinayay ayaa waxaa ka muuqday carruur yar-yar oo Ololaha ka qeyb-qaadanaya. 
Lacagta la uruurinayo ayaa gaareysa shan boqol oo milyan oo Dirham oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee ay dhibatada ka soo gaartay abaaraha.

“Qudbadii Jimcaha shalay waxaa lagu soo qaaday, dhaqaalla uruurinta iyo abaaraha ka jira dalka Soomaaliya. Meel kasta oo ka mid ah Imaaraadka waxaa laga dareemay Ololaha ay soo saartay dowladda Imaaraadka”, sidaasi waxaa yiri Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Abuubakar Mubarak Cabdalla, oo ku nool dalka Imaaraadka.

Abuubakar Mubarak, ayaa sidoo kale sheegay in Qudbadihii TV-yada lagu soo qaatay Soomaaliya waagii ay nabada aheyd in wadamada Carrabta ay taakuleyn jirtay kheyrkana la wadaagi jirtay.

Madaxa Golaha sare ee Hay’adda Samafalka dalka Imaraadka ayaa qiray in sida ugu dhaqsiyaha badan kaalmooyin dhaqaalle loogu diri doono dadka Soomaaliyeed, iyadoo laga duulayo saaxiibtinimada qotoda dheer ee u dhaxeysa labada dal. 
12-kii Bishan April, Dowladda Imaaraadka carrabta ayaa ku dhawaaqday barnaamij cusub oo gar-gaar bani’aadanimo lagu gaarsiinayo dadka  Soomaaliyeed ee abaaraha ay saameeyeen.

Barnaamijka cusub ayaa dowladda ay sheegtay in loogu magac daray ((li'ajligaada soomaaliyeey - لأجلك يا صومال  For Your Sake SOMALIA 🇸🇴)), waxaana taakuleyntaasi iyo ololaha gar-gaar, ka wada qeyb-qaadan doonna, Dowladda Imaaraadka iyo shacabkeeda, ganacsatada Soomaalidda ee dalkaasi iyo hay'addaha gar-gaarka ka shaqeeya.

Dowladda Imaaraadka ayaa qorsheysay lacag gaareysa Boqol Milyan oo dirham, oo loogu talagalay abaaraha Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa sandkan 2017 ku dhawaaqday in uu yahay sanadkii khayrka.

Bishan April Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kula kulmay magaalladda Abu Dhabi  ee Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta,  Dhaxal-sugaha Abu Dhabi ahna Abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee dalkaasi Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Kullanka oo ka dhacay qasriga badda, ayaa looga wada hadlay xiriirka walaalnimo ee labada dal , qaabkii lagu xoojin lahaa, loona horumarin lahaa danaha labada dal iyo Abaaraha ka jira Soomaaliya sidii ay Imaaraadka uga qeyb-qaadan laheyd.

Xafiiska OCHA ee QM ayaa sheegay in tirada dadka gar-gaarka u baahan ee ku sugan gudaha Soomaaliya in ay gaarayaan 6.2 milyan, taas oo caga-cageyneysa kala bar dadka Soomaaliya sida QM gaar ahaan UNDP u diiwaan gashan.


Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia