3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 22, 2017
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kuwait oo ku baaqay in la gar-gaaro Soomaalidda


Sabti, April, 22, 2017 (HOL) -Xildhibaan Ali Al-Deqbasi, ayaa shalay oo jimca aheyd ku baaqay in la caawiyo dadka Soomaaliyeed oo hadda wajahaya abaaro xooggan iyo xaalad macaluul oo ay wehliso amni xumo.

Ali Al-Deqbasi,  oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Kwait, ayaa warsaxaafadeed ka soo dhinac saaray kulankii Wasiiradda Arrimaha debada Carrabta iyo Guddiyada Amniga ay yeesheen, waxaana uu sheegay in Baarlamaanada Carrabta ay daneynayaan in la caawiyo Soomaalida.

Warsaxaafadeedkiisa ayuu ku sheegay in la isku raacay in gurmad loo fidiyo dalka Soomaaliya.

Xildhibaano kale ayaa sheegay in gar-gaar, dhawaan la gaarsiin doono Soomaaliya.

Dowladda Kuwait, ayaa ka mid ah wadamada sida dhow ula socda xaaladda dalka Soomaaliya, waxaana dhawaan Baarlamaanka dalkaasi uu sheegay in gurmad deg-deg ah lala gaaro dalka Soomaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo dabayaaqadii bishii Maarso khudbad ka jeediyay shir madaxeedka 28-aad ee Jaamacadda Carrabta, wuxuuna khudbadiisa ku sharxay horumarka ka jira dalka Somalia, fursadaha maalgashi iyo caqabadaha horyaalla dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa qiray in wali Soomaaliya ay wajahayso caqabado waaweyn oo ay kamid yihiin abaaro dad iyo duunyaba laayay oo isu badalay xaalad macaluul oo ay wehliso amni xumo oo ay sababtay argagixisada caalamiga ah.

“Abaaraha ka jira Soomaaliya waxay sababeen in xoolo badan ay dhintaan, taasoo dhaawacaysa ishii ugu muhiimsanayd dhaqaalaha dalka. Dad ka badan 3 milyan oo ruux ayaa haatan wajahaya duruufo khatar galin kara naftooda, haddii aan lala gaarin gargaar degdeg ah. Si looga gudbo caqabadahaas, waxaa loo baahanyahay inaan la imaanno qorshayaal maan-gal ah iyo taageero hagar la’aaneed oo ay nala garab istaagaan walaalaha iyo saaxiibada Soomaaliya. 

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia














Click here
4/22/2017 2:10 PM EST
Sabti, April, 22, 2017 (HOL) -Dalka Imaaraadka Carrabta waxaa shalay oo Jimca aheyd ka bilowday Olole dhaqaale loogu uruurinayay dadka Soomaaliyeed ee Abaaraha ay daashadeen.

4/22/2017 12:48 PM EST
Sabti, April, 22, 2017 (HOL) - Ugu yaraan 140 ruux ayaa geeriyootay kadib marki ay kooxda Taliban Jimcihii weerartay saldhig milatari oo ay leeyihiin ciidamada Dowlada Afganstan oo ku taalla waqooyiga dalkaasi.

4/22/2017 8:58 AM EST
Sabti, April, 22, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo shir jiraa’id ku qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kaddib safar uu kaga yimid Magaalada Bula Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa kaga hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira Qaadkii labadii maalin ee la soo dhaafay ka dagayay Magaalada Jowhar, hase ahaatee maanta aan ka dagin.

4/22/2017 7:45 AM EST
Sabti, April, 22, 2017 (HOL) - Dowladda Britain ayaa heshiiskii dhawaan ay gaareen madaxda DF iyo hogaamiyayaasha maamul gobolleedyada ku tilmaamtay mid taariikhi ah oo dhabbaha u xaaraya in ciidamada Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada wadajir uga shaqeynayaan si cad qorshaha ammaanka qaran, si ay tartartiib u qaataan masuuliyada hogaanka si nabad loo helo.

4/22/2017 5:16 AM EST
Sabti, April, 22, 2017 (HOL) – Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa subaxnimadii hore ee saakay dil toogasho ay ku fulisay askari ka tirsanaa cidiammada booliiska oo lagu magacaabi jiray Axmed Cabdi Maadeey.

4/22/2017 5:05 AM EST
Sabti, April, 22, 2017 (HOL) – Wasiirka wasaarrada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa ka jawaabay digniintii Al-shabaab oo waalidiinta uga digay in aysan carruurtooda u dirin Iskuulada iyo Jaamacadaha aan Islaamiga aheyn.

4/22/2017 1:35 AM EST
Sabti, April, 22, 2017 (HOL) -Ugu yaraan 6 qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay Qarax miino oo ka dhacay maqaayad laga cunteeyo oo ku taalla Degmadda Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

4/22/2017 1:15 AM EST
Sabti, April, 22, 2017 (HOL) -Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka ugu baaqay in ay Alle u laabtaan oo ay dambi dhaaf weydiistaan.