4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2017
Faafaahin: Dabkii ka kacay suuqa Bakaaraha oo la demiyay


Jimco, April, 21, 2017 (HOL) -Dab xooggan ayaa xalay ka kacay Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, sida Ganacsato ay u sheegeen Hiiraan Online.

Gawaarida dab demiska ee maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa ay leeyihiin shirkado gaar ah ayaa ku guuleystay deminta dabka.

Dabka ayaa la sheegay in uu ka dhashay Koronto Qaldantay, waxaana dabka uu saameyay Qeybo kamid ah Suuqa loo yaqaano Suuqa Khaliif, waxaana gubtay dukaamo iyo goobaha Dawaarka ee dharka lagu tolo.

Agaasimaha Waaxda dab demiska Dowladda Hoose ee Xamar Cabdirasaaq Maxamed, ayaa sheegay in ay ku guuleysteen inay demiyaan dabka.

“Waan deminay dabkii, khasaaruhuna ma badna, aad ayay shaqaallaha gurmadka ee waaxda dowladda hoose u dadaaleen, dabka waxaa lagu hakiyay goobtii uu ka billowday oo jiha kasta ayaa laga galay waana deminay” ayuu yiri Mudane Cabdirasaaq.

Agaasimaha Waaxda Dab demiska Dowladda Hoose ayaa ganacsatada ku dhaliilay in aysan ka fakarin qatarta ka dhalankarta Korantada iyo Ciriiriga waddo xumida marka muusiibooyinka noocaan oo kala ah ay dhacaan.

Suuqa Bakaaraha ayaa ah Suuqa ugu weyn ee Soomaaliya, waxaana waddooyinka Dhex mara ay yihiin kuwo ciriiri ah oo aan sahlaneen in si sahlan loola tacaamulo marka musiibooyin noocaan oo kala ah ay jiraan.

27 bishii February ee 2017, dab xooggan oo sidan oo kala ah ayaa ka kacay Suuqa Bakaaraha, waana markii labaad ee sanadkan oo dab uu ka kaco Suuqa.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia