4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 20, 2017
Abwaan Qawdhan oo ka mid ahaa abwaanadda waaweyn ee Soomaaliyeed oo geeriyooday

 

Khamiis, April, 20 2017 (HOL)- Alla ha u naxariista Abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf oo ka mid ah abwaaniinta waaweyn ee gayiga Soomaalidda ayaa shalay ku geeriooday wadanka Sweden oo muddooyinkii u dambeeyey xanuunsayey.

Abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf wuxuu leeyahay heeso iyo Riwaaayado badan oo caan ka ah deegaanaddda Soomaalidda, waxaanu ahaa Abwaan Af gaaban, waxaana ka qaybgallay kulamo uu taariikhdiisa iyo suugaantiisa ku soo bandhigayey oo lagu casuumay.

“Abwaan Qawdhan wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa hillaadii 1944-kii. Wuxuu ka bilaabay waxbarashadiisii malcamaddii la odhan jirey ‘’ Saqadhi ‘’oo ku taalay hadaanta hargeysa . Dugsiga hoose dhexe isna wuxuu ka bilaabay ‘’School Riis ‘’. Abwaanku kumuu raagin waxbarashadii dugsiga hoose dhexe ee waa isaga tagey isagoo fasalka afraad maraaya . Wuxuu shaqadiisii koobaad ku bilaabay ‘’ Boynimo‘’.Intaas ka dib wuxuu noqday Kuug ama cunno sameeye wanaagsan . Xirfadaha kale ee uu bartay kadib waxaa ka mid ahaa ; Darawalnimada iyo turjumidda afafka qalaad maadaamuu waddamo afrika oo dhan uu badankooda maray ay u saamaxday inuu luuqadahooda barto . Fanka iyo hal-abuurnimada waxuu ii sheegay inuu xiisayn jirey isagoo da’ahaan yar . Lagama waayi jirin dhinacyada odayaasha sheekaysanayaa iyo cid kastoo hibo u leh hal-abuurka . Waxay u yaqaaneen ; nin yaroo nin weyn ah .”sidaas waxa yidhi Axmed Cabdi Xasan (Axmed Karaama) oo taariikhda Abwaanka wax ka qoray.

Abwaanka markii ugu horeysay ee uu wax curiyo gugiisu wuxuu ahaa 23-jir. Wuxuu sameeyay wakhtigaas hees hirgashay oo uu qaado heesaagii codka macaana ee Maxamed Nuur Giriig AHN. Waa sanadkii 1967-kii.Ereyada heestaa waxaa ka mid ahaa meerisyadan ; Meeqaam nin mudan , oo miiganaa , intaad maamusheen , miidaamiseen , waxaad tahay mid baaso , lay soo maldahayoo , anigana i mudatee . Abwaanka waxa heestaa markiiba ugu xigtay Riwaayad . Way adkayd in nin dhalinyaraa oo ku cusub masaraxa hal-abuurka inuu sameeyo riwaayad dhamaystiran .

Waxa kale oo uu abwaanku sameeyey Riwaayad magaceedda la odhan jiray ‘’ Annagoo waalan waagu noo beri ‘’ . Waxaa ka qayb qaatay dadyoow tiro badan . Waxaan ka xusi karnaa kuwan ;Maxamed Saleebaan Tubeec Ahn , Axmed Mooge Liibaan AHN , Maxamed Jaamac Joof AHN , Xasan Diiriye , Marwo maxamed, Axmed Good Shimbiriyo qaar kaloo badan .

Heesihiisa tiradda badan kuwiisa ugu caansan waxa ka mid ah Miidaamo dhego-maleh , hadduu malag dhawaaqee . Waxaa codkiisa macaan ku qaadi jirey Axmed Mooge Liibaan Ahn .Waxaa kale oo ka mid ahaa ; Diin god gal , good diin gal.

Riwaayadihiisa kale waxa ka mid ahaa Riyadii xalay , baan rumaystoo , Raaxaan moodoo , waan riyaaqee, Ninna waal ninna waani.

Lama soo koobi karo Riyaawadihiisa iyo heesaha uu abwaanku leeyahay, waxaanu leeyahay heeso aad u badan oo ah kuwo aadka loo jecel yahay.

Sanadku markuu ahaa 1972-kii ayaa la xidhay waxaanu xidhnaa muddo Afar bilood sida uu Abwaanku sheegay, Waxaana kiis looga dhigey hees uu sameeyay wakhtigaas oo riwayadan ku jirtey islamarkaana uu qaado Axmed Cali Cigaal . Waxaa ka mida ereyadeedii ; Maxaad sheekadeeni ( nacas ) intaad shirisay dumarkii, (doqon ) . Isla sanad kadib wuxuu abwaanku haddana allifey riwaayad kale oo la magac baxday ‘’ Yaan la waalin jacaylka ‘’ . Waxay ka mid ahayd silsiladi waalida riwaayadihii uu ula baxay .

abwaan Xasan Qawdhan heesaha WADANIGA ee uu curiyey waxa ka mid ahaa hees ay qaado fanaanadii weynayd ee Dalays Cabdillaahi . Waxay heestu ku bilaamaysay ereyadan ; Hunnu hunnuu hadal maaha , himbriirsii arag maaha . Heesaha uu sameeyay abwaanku kuwaan marnaba laga caajisin waxaa ka mid ahaa heeskan ; Jaaheeda nuurka leh , ayaa I jiidanaayee , juuq umaan idhaahdeen , haddaan jari karaaye , joogaaha maqan baan ahee , maqanahaa joogaan ahee.

Guntii iyo gabogabaddii Abwaanku wuxuu yeeshay afar Xaas, waxaanay guud ahaan caruurta uu dhalay iyo kuwa sii dhaleen isku noqonayaan 25 qof, waxaana taariikhdaas Fankiisa iyo noloshiiba wax qoray kana waraystay abwaanka inta uu noolaa Axmed Cabdi Xasan (Axmed Karaama).

Abwaanka waxaan ilaahay uga baryeynaa inuu janaddii fardawsa ka waraabiyo, inagana samir iyo iimaan inaga siiyo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.