3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 20, 2017
Diyaarado dagaal oo duqeeyay Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gado


Khamiis, April, 20, 2017 (HOL) -Diyaarado dagaal ayaa lagu soo waramayaa in xalay duqeyn ay ka geysteen degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gado ee koonfurta Soomaaliya.

Ugu yaraan saddex ruux ayaa la sheegay in duqeynta ay ku dhinteen. 

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in diyaaradaha duqeynta fuliyay ay ahaayeen kuwa dowladda Kenya.

18-kii bishan, April, Taliska howlgalka Mareykanka ee Qaarada Africa ayaa sheegay in aysan duqeyn ka fulinin diyaarada militeriga Mareykanka koonfurta Soomaaliya 14-kii bishan April.

Warbaahinta qaar ayaa wariyay in Mareykanka duqeyn ka dhacday Gobolka Gedo uu ku dilay dagaalyahano ka tirsanaa Al Shabaab.

“Militeriga Mareykanka ma fulin duqeyn ka dhacday koonfur-galbeed Soomaaliya 14-kii  bishan, taas oo warbaahinta ay warisay”, sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay howlgalka Mareykanka ee Qarada Africa the US Africa Command (AFRICOM).

Dhinaca kale warka ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay ee Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya ay aheyd bishii January ee 2017.

16-kii bishan April, Wakaaladda wararka dalka Shiinaha ee Xinhua, ayaa baahisay 100 dagaalame oo ka tirsanaa Al Shabaab in la aaminsanyahay in lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya aroornimadii Sabtida.

Duqeynta ayaa waxaa lagu beegsaday saldhigyo ay lahaayeen Al Shabaab oo ku yaalla deegannada Wargaduud iyo Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo, halkaas oo bishii January ee sanadkii 2016 Al Shabaab ay ku dileen inkabadan 100 askari oo ciidanka dowladda Kenya ka tirsanaa.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia














Click here
4/20/2017 12:09 PM EST
Khamiis, April, 20, 2017 (HOL) –Degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan waxaa maanta gaaray wafdi uu horkacayay madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, waxaana wafdiga qeyb ka ahaa guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiil ka kala soctay AMISOM iyo dowladda Soomaaliya.

4/20/2017 11:35 AM EST
Khamiis, April, 20, 2017 (HOL) - Sadex qof ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen tuulada Dharkayn-geenyo oo 75Km galbeed kaga aadan magaalada Laascaanood Xarunta gobolka Sool kadib markii rasaas ka dhacday meel bartamaha magaaladaas ku taala.

4/20/2017 11:11 AM EST
Khamiis, April, 20, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in maanta halkaa ay ka degeen ilaa lix diyaaradood oo Khaad sida, kuwaa oo shan ka mid ah markii hore Khaadka geyn jiray magaalada Muqdisho.

4/20/2017 9:03 AM EST
Khamiis, April, 20, 2017 (HOL) - Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Maareynta Maaliyada, Amniga Qaranka, Xuquuqda Shaqaalaha, Qorshaha ka hortaga Musuqmaasuqa iyo arrimo kale.

4/20/2017 8:40 AM EST
Khamiis, April, 20 2017 (HOL)- Alla ha u naxariista Abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf oo ka mid ah abwaaniinta waaweyn ee gayiga Soomaalidda ayaa shalay ku geeriooday wadanka Sweden oo muddooyinkii u dambeeyey xanuunsayey.

4/20/2017 5:15 AM EST
Khamiis, April, 20, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw oo maanta ka degay garoonka diyaaradaha degmada Buula-burte madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.

4/20/2017 4:38 AM EST
Khamiis, April, 20, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeynte Cismaan ayaa goor dhaw ka degay garoonka diyaaradaha degmada Buula-burte, waxaana sidoo kale la filayaa in saacadaha soo socda uu halkaa gaaro madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.


4/20/2017 1:51 AM EST
Khamiis, April, 20, 2017 (HOL) -Wasiirka Warfaafinta ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Hay’ada TEDxMogadishu ayaa soo dhoweeyey isla markaasna dhiirigeliyey Bandhiga TEDxMogadishu oo maanta oo Khamiis ah 20 April 2017 laga qaban doono Muqdisho, Soomaaliya.

4/20/2017 1:41 AM EST
Khamiis, April, 20, 2017 (HOL) -Wasiirka Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa si kulul u cambaareeyey falkii Al-Shabaab ay qarax miino ugu geysteen gaari ay saarnaayeen xubno ka socda Guddiga Abaaraha Qaranka iyagoo maraya deegaanka Garasbaaley si shacabka barakacayaasha ah loogu gurmado.

4/20/2017 1:26 AM EST
Khamiis, April, 20, 2017 (HOL) –Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa la kullmay safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz.