Diyaarad ay la socdeen dhakhaatiir caalami ah oo maanta gaaray Buuhoodle
Arbaco, April, 19, 2017 (HOL)- Wararka naga so gaaraya magaaglada Buuhoodle ee
xarunta gobolka Cayn ayaa sheegaya in wafdi ka socda Maraykanka iyo Norwey galabnimadii maanta ka degeen garoonka diyaaradaha Buuhoodle.
Wafdiga
ayaa waxaa ka mid ahaa dhakhaatiir iyo masuuliyiin ka tirsan hay'adaha adduunka
ugu waawayn ee FAO, WHO, USAID, UNESCO, UNICEF, UNDP iyo kuwa kale, waxaana
lagu wadaa in ay u kuurgalaan xaalada dadka barakacay iyo kuwa bukaanka ah.
Wafdigan oo badankooda lagu
tilmaamay in au dhakhaatiir yihiin ayaa u socoda audio baadhis loogu samayn
lahaa jeermiska keenay xanuunka shuban biyoodka ka dilaacay
magaalada.
dad tiradooda kor u dhaaftay 400 oo
qof ayaa lagu war bixinayaa in ayla il daranyihiin shuban biyoodka, waxaana
xusid mudan in ay kala go'day kaalmadii daawooyinka ahaa ee la gaarsiiyay
labada cisbitaal ee dadka lagu hayo.
Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan
Online.
[email protected].
Laascaanood, gobolka
Sool.