4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 19, 2017
Xildhibaannada oo go’aan ka gaaray habka loo marayo kursiga ka banaanaada baarlamaanka

Arbaco, April, 19, 2017 (HOL) – Xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha gollaha shacabka Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari .

Gudoomiyaha ayaa ugu horeyn faah faahiyay qaraar ka hadlaya buuxinta kuraasta ka banaanaada golaha shacabka, kaa soo ku saabsanaa in guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka loo wakiisho arintaa.

Guddoonka ayaa cod geliyay qaraarka oo ku saabsanaa qaabka loo maamulayo kuraasta ka banaanaada baarlamaankam waxaana 128 mudane ay ogalaadeen in guddiga doorashooyinka  loo madaxbanaaneeyo soo buuxinta kuraasta ka bannaan gollaha, halka ay diideen 16 mudane, waxaana ka aamustay Lix xildhibaan.

Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in hadda kadib kursiga Xildhibaan kasta ee banaanaada uu ku imaan doono sida markii hore lagu soo doortay, isagoo intaa ku daray in wixii khilaaf ah ee ka dhasha arrintaa loo gudbin doono maxkamadda sare ee dalka, halka markii hore loo gudbin jiray gudiga xalinta khilaafaadka ee doorashooyinka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa jira kuraas xiligan banaan oo ay tahay in la soo buuxiyo, waxaana muuqata in wixii hadda ka danbeeya gudiga madaxabanaan ee doorashada arintaa loo idmaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]