4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 19, 2017
Askari ka tirsanaa ciidamada Jabuuti oo lagu dilay degmada Buula-burte

 Arbaco, April, 19, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Buula- burte ee gobolka Hiiraan aya sheegaya in duhurnimadii maanta dabley ku hubeysneyd bastoolado halkaa ku toogteen askari ka tirsanaa ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.

Askarigan ayaa la sheegay in uu ku sii jeeday xero ciidan oo ku taalla dhinaca galbeed ee magaalada.

Ciidamada Jabuuti ayaa saldhigooda labaad ee ugu weyn gobolka Hiiraan ku leh degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan, sidoo kalana waxaa ay ka howlgalaan degmada Jalalaqasi.

Waa markii ugu horeysay oo rag ku hubeysan bastoolado ku toogtaan gobolka Hiiraan askari ka tirsan ciidamada AMISOM marka laga soo tago khasaaraha ciidamada ka soo gaara dagaallada ay la galaan Al-shabaab.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan iyo maamulka degmada Buula-burte intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]