3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 19, 2017
Wadatashiyo ku saabsan dastuurka oo dhawaan bilaabanaya

 Arbaco, April, 19. 2017 (HOL) – Wasiirka wasaarada dastuurka dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabanayaan wadatashiyo sida uu hadalka u dhigay la xiriira dib u eegis lagu sameynayo dastuurka.

Waxaa uu sheegay wadatashiyada ay ka qeybqaadan doonaan dhamaanba maamul gobolleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

‘’Qorshaha hadda aan dajinay waa qorshe sadex bilood ah 90 maalmood, kaasoo noqon doona wada tashiyo aan la sameyneyno bulshada qeybaheeda kala duwan, gaar ahaan bishan dhamaadkeeda oo aan rabo in aan isku keenno wasiiradda dastuurka dowlad gobolleedyada dalka ka dhisan, waxaana sidoo kale wadatashiyada qeyb ka noqon doona, culima’udiinka, xasbiyada dalka ka jira, ardeyda Jaamacadaha, haweenka iyo guud ahaanba qeybaha kala duwan ee bulshada’’ ayuu yiri wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh Jabriil.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay la kulmi doonaan guddoonka labada aqal ee dalka oo arintan wada hadal lagala yeelanayo.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa marar badan oo hore ku celi celiyay muhiimada ay leedahay in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka Soomaaliya oo wali aan rasmi aheyn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/19/2017 2:32 PM EST
Arbaco, April, 19, 2017 (HOL)- Wararka naga so gaaraya magaaglada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa sheegaya in wafdi ka socda Maraykanka iyo Norwey ay galabnimadii maanta ka degeen garoonka diyaaradaha Buuhoodle.

4/19/2017 1:34 PM EST
Arbaco, April, 19, 2017 (HOL) –Xubnaha Aqalka Sare ee dalka ayaa maanta doortay ilaa shan mudane oo u metelaya Guddiga dib-u-eegista Dastuurka Dalka Soomaaliya.

4/19/2017 12:11 PM EST
Arbaco, April, 19, 2017 (HOL)- Labadda xisbi mucaarad ee Somaliland ayaa xukuumadda iyo xisbigeedda KUlmiye ku eedeeyey in aanay wali bixin dhaqaalihii ku bixi lahaa qaybinta Diiwaangelinta iyo doorashooyinka.

4/19/2017 11:59 AM EST
Arbaco, April, 19, 2017 (HOL) – Xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha gollaha shacabka Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari .

4/19/2017 10:39 AM EST
Arbaco, April, 19, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Buula- burte ee gobolka Hiiraan aya sheegaya in duhurnimadii maanta dabley ku hubeysneyd bastoolado halkaa ku toogteen askari ka tirsanaa ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.

4/19/2017 8:15 AM EST
Arbaco, April,19, April 2017 (HOL) - Shir uu soo qaban qaabiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha qaybtiisa Tayeeynta Hay’adaha Dowladda ayaa lagu qabtay magaalada muqdisho, waxaana shirka ka soo qayb galay dhammaan wasiirada iyo wakiilo ka kala socday Hay’adaha ka fa’iidaysanaya Mashruuca Tayeeynta Hay’adaha dowlada (Capacity Injection Program CIP) oo uu maalgaliyo Bangiga Aduunka.

4/19/2017 5:47 AM EST
Arbaco, April, 19, 2017 (HOL) –Kolonyo ay la socdeen xubno ka tirsan Guddiga Abaaraha Qaranka, maamulka Gobolka Banaadir iyo marti kale ayaa Qarax miino lagula eegtay duleedka magaalladda Muqdishu.

4/19/2017 3:53 AM EST
Arbaco, April, 19, 2017 (HOL) –Real Madrid ayaa xalay si layaab leh uga adkaatay kooxda Bayern Munich, kadib markii ay ku kulmeen ciyaar ka tirsaneed koobka Champions Leaque-ga.

4/19/2017 3:40 AM EST
Arbaco, April, 19. 2017 (HOL) – Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay la kulmay wafdiga uu horkacayo hogaamiyaha maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee gobollada dhexe Sheekh Maxamed Sheekir Cali Xassan.

4/19/2017 2:45 AM EST
Arbaco, April, 19. 2017 (HOL) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa eedeyn u jeediyay gudiga gurmadka abaaraha ee heer Qaran oo sida uu hadalka u dhigay ilaa iyo hada aan soo gaarsiin kaalmadii loogu talagalay dadka abaarta saameysay ee ku dhaqan gobolka.

4/19/2017 2:05 AM EST
Arbaco, April, 19, 2017 (HOL) –Maamulka Hirshabelle ayaa xalay xabsiga dhigay Agaasimaha Guud ee Isbitaalka magaalladda Jowhar Xasan Mahad Cabdi.

4/19/2017 1:54 AM EST
Arbaco, April, 19. 2017 (HOL) – Maamulka Hirshabeelle ayaa amar ku bixiyay in albaabada loo laabo isbitaal gobollleedkii magaalada Jowhar, waxaana dhinaca kale xabsiga la dhigay madaxdii isbitaalka Xassan Mahad Cabdi.

4/19/2017 1:21 AM EST
Arbaco, April, 19, 2017 (HOL) –Xarakadda Al Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday duleedka degmada Afgooye, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

4/19/2017 12:43 AM EST
Arbaco, April, 19, 2017 (HOL) –Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in 5 kun oo Soomaali ah laga masaafurin doono Maraykanka, kuwaas oo dib loogu soo celin doono dalka Soomaaliya.