4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 19, 2017
Dowladda Maraykanka oo 5 kun oo Soomaali ah ka soo Masaafurineysa dalkeeda

 
Arbaco, April, 19, 2017 (HOL) –Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in 5 kun oo Soomaali ah laga masaafurin doono Maraykanka, kuwaas oo dib loogu soo celin doono dalka Soomaaliya.

Brendan Raedy, afhayeenka ICE, waaxda fulinta socdaalka iyo kastamka ayaa VOA u sheegay laga soo bilaabo 1-dii bishan April, 2017 ilaa 4,801 oo Soomaali ah ay heleen amarkii u danbeeyay ee dalka looga soo saari lahaa.

Afhayeenka ayaa sheegay in isla wakhtigaasi 237 qof oo Soomaali ah dib loogu celiyay Soomaaliya.

12-kii bishan April, Safiirka Soomaaliya ee Maryakanka Axmed Ciise Awad, ayaa sheegay in safaaradda ay oggaatay in hay'addaha socdaalka Maraykanku ay qorsheynayaan inay masaafuriyaan ilaa 4 kun oo Soomaali ah oo imika ku nool Maraykanka.

Safiir Axmed Ciise Cawad, ayaa sidoo kale sheegay inta badan dadka lasoo masaafurinayo in aysan ku jirin xarruumaha dadka lagu hayo.

Safaaradda Soomaalidda ee magaalladda Washington, ayaa dib loo furay bishii November ee sanadkii 2015.

Tan iyo xiligaas waxaa dalka Soomaaliya, dib loogu celiyay ku dhowaad 170 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo qaar ka mid ah lagu eedeeyay in ay jabiyeen xeerka dalka Mareykanka, halka qaarkood ay codsadeen magangelyo balse loo diiday, sida safiirka uu sheegay. 

Dhinaca kale, safiirka ayaa sheegay in ay jiraan soomali kale oo loo diiday magangelyo oo ku xiran xabsiyo, kuwaas oo sugaya in dib loogu celiyo dalka Soomaaliya.

6-dii bishan April, hay’adda Socdaalka iyo Xoojinta Sharciga ee dalka Maraykanka, ayaa xabsiga dhigtay ku dhowaad 82 ruux oo u kala dhashay 26 wadan, kuwaas oo lagu soo qabtay howlgal socday mudo shan maalmood ah, oo laga sameeyay Gobalka Virginia, Columbia, magaalladda Washington DC iyo  Gobalka Maryland.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia