3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2017
Faafaahin: Nabadoon caawa lagu dilay magaalladda Beledweyne

 
Talaado, April, 18, 2017 (HOL) –Koox hubeysan ayaa caawa magaalladda Beledweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan ku dilay mid ka mid ahaa nabadoonada ugu caansan magaalladda.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Mustaf Maxamed Dhicisoow, waxaana dilkiisa uu ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee magaalladda Beledweyne. 

Taliye ku-xigeenka Saldhiga Booliska ee Magaalladda Baladweyne, Nuur Xasan Bidaar, ayaa sheegay in ay baxsadeen kooxihii dilka geystay isagoona sidoo kale sheegay in ciidamada ay wadaan baaritaano.

Dhinaca kale Nuur Xasan Bidaar, ayaa sheegay rasaastii lagu furay Nabadoonka in ay ku dhaawacmeen 3 qof oo kale oo ku sugnaa goobta dilka uu ka dhacay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyada dilka nabadoon Mustaf Maxamed Dhicisoow.

14-kii bishan, kooxo hubeysan ayaa magaalladda Muqdishu ku dilay Nabadoon caan ah, oo ka mid ahaa Ergadii wax ka dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. 

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Jimcaale Doon-Gaalle, waxaana dilkiisa uu ka dhacay nawaaxiga Isgooyska labo-dhagax ee Muqdishu.

Marxuumka ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay Magaalladda Cadaado ee xaruunta kumeel-gaarka maamulka Galmudug.

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo ku hubeysan Bistoolado, waxaana ay ka baxsadeen goobta markii dilka ay geysteen kadib.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia













Click here
4/18/2017 3:18 PM EST
Talaado, April, 18, 2017 (HOL) – Kooxo hubeysan ayaa ku diley magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan nabadoon Mustaf Maxamed Dhicisow oo ka mid ah nabadoonada caanka a ee gobolka Hiiraan.

4/18/2017 12:20 PM EST
Talaado, April, 18, 2017 (HOL) – Inta la xaqiijinayo ilaa labo ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen madaafiic loo adeegsaday qoriga hoobiyaha oo galabta lagu garaacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

4/18/2017 11:59 AM EST
Talaado, April, 18, 2017 (HOL) - Ra'iisal wasaaraha dalka Britain Theresa May ayaa ku dhawaaqday qorsheyaal lagu hirgalinayo doorasho wakhtigeedi laga soo hormariyay oo dhacda 8 Juun.

4/18/2017 10:42 AM EST
Talaado, April, 18, 2017 (HOL) –Dowladdaha Midowga Yurub, Shiinaha, Korea Koonfureed, Chile, Imaaraadka iyo wadamo kale ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen Hilibka Digaaga laga keeno suuqyada dalka Barazil, kadib markii ay soo bexeen fadeexado ku aadan tayada iyo faydhoorka caafimaadka hilibka digaaga ee laga keeno dalkaasi.

4/18/2017 9:52 AM EST
Talaado, April, 18, 2017 (HOL) –Hoobiyaal ayaa galabta ku dhacay Xaafaddo ka tirsan degmadda Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, sida dad goob-joogayaal ah ay sheegeen.

4/18/2017 7:41 AM EST
Talaado, April, 18 2017 (HOL)- Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in bishan April 29 ay labadda gobol ee Saaxil iyo Awdal ka bilaabi doonaan qaybinta Kaadhadhka diiwaangelinta ee hore loo gallay.

4/18/2017 4:51 AM EST
Talaado, April, 18, 2017 (HOL) – Bayaan ay wada jir u soo saareen dowladaha dowladaha iyo ururada daneeya arimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin QM, ,AU, ,IGAD ,EU, Talyaniga Ethiopia, Mareykanka,Turkiga ,UK iyo Swedan, ayaa lagu taageeray go’aanka madaxda dowladda Soomaaliya ee dhismaha gudiga amniga Qaranka.

4/18/2017 4:35 AM EST
Talaado, April, 18, 2017 (HOL) –Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah wasaaraddaha xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya.

4/18/2017 4:22 AM EST
Talaado, April, 18, 2017 (HOL) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta gargaarkii ugu horeeyay gaarsiiso degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud kadib kulan xalay dhaxmaray ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdiga Ahlu Sunna ee ku sugan magaalada Muqdisho.

4/18/2017 3:10 AM EST
Talaado, April, 18, 2017 (HOL) –Maamulka Puntland ayaa beeniyay in kooxda Daacish ay qabsadeen degaanka  Saan oo hoos yimaada  degmadda Qandala.

4/18/2017 2:01 AM EST
Talaado, April, 18, 2017 (HOL) –Maraakiibta ciidamada Badda reer-yurub ayaa badbaadiyay in ka badan kun qof oo tahriibayaal ah kuwaas oo kasoo baxay xeebaaha dalka Liibiya.

4/18/2017 1:30 AM EST
Talaado, April, 18, 2017 (HOL) –Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sii ay wada-hadal u kala dhex-dhigi laheyd maamullada Ahlusuna iyo Galmudug oo ka wada arimiya deegaanno ka wada tirsan Gobolada dhexe.

4/18/2017 12:58 AM EST
Talaado, April, 18, 2017 (HOL) –Taliska howlgalka Mareykanka ee Qaarada Africa ayaa sheegay in aysan duqeyn ka fulinin diyaarada militeriga Mareykanka koonfurta Soomaaliya 14-kii bishan April.

4/18/2017 12:50 AM EST
Talaado, April, 18, 2017 (HOL) –Bam-gacmeed ayaa xalay lagu tuuray ciidanka dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa degmadda Waaberi ee gobolka Banaadir.