4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 18, 2017
Faah faahin : Hoobiyayaal ku dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho


Talaado, April, 18, 2017 (HOL) – Inta la xaqiijinayo ilaa labo ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen madaafiic loo adeegsaday qoriga hoobiyaha oo galabta lagu garaacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Hoobiyayaashan oo ku soo dhacay degmada Howlwadaag ayaa mid ka mid ah haleelay iskuul lagu magacaabo Xassan Qariidi, waxaana la sheegay in uu sababay dhimashada gabar ka mid aheyd ardeyda Iskuulka.

Madfac kale oo isna ku dhacay xaafadda shanta geed ee isla degmada Howlwadaag ayaa dilay qof kale oo rayid ah, iyadoo tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jiray haween iyo carruur dhamaantood rayid ah, sida ay xaqiijiyeen goob joogaal.

Dhimashada ayaa laga yaabaa in ay ka badan tahay inta ilaa iyo hadda la ogyahay madaama hoobiyayaashan ay ku dhaceen qeybo kala gadisan oo ka mid ah degmada.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale magaalada lagu duqeeyo mdaafiic loo adeegsaday qoriga hoobiyaha, waxaana xusid mudan in maalin ka hor ciidamada dowladda toogasho ku dileen labo ruux oo ku eedeysnaa in ay ka mid ahaayeen kooxaha hoobiyaha ku garaaca caasimada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]