4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 18, 2017
Dowladda oo gargaarkii ugu horeeyay u direysa degmada Dhuusa-mareeb

Talaado, April, 18, 2017 (HOL) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta gargaarkii ugu horeeyay gaarsiiso degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud kadib kulan xalay dhaxmaray ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdiga Ahlu Sunna ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya maanta oo Talaado ah gargaarkii ugu horeeyay u diri doonto degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah gobolka Galguduud oo ka mid  ah deegaannada ay sameynta adag ku yeelatay abaarta ka jirta dalka.

Ahlu Sunna ayaa horay si weyn ugu dhaliishay dowladda federaalka habka ay ula macaamisho dadka ku dhaqan deegaannada ay ka arimiyaan, gaar ahaan marka la eego kaalmada iyo gargaarka lagu caawinayo dadka tabaaleysan oo ay Ahlu Sunna horay u sheegtay in aan waxba laga soo gaarsiin.

Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in u ka furmo wada hadal u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca oo looga arisanayo dhismaha hal maamul oo ay ku mideysan yihiin dadka ku dhaqan gobollada dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]