4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2017
Dowladda Soomaaliya oo Guddi wasiira ah u magacawday wada-hadalada Ahlusunna iyo Galmudug

 
Talaado, April, 18, 2017 (HOL) –Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sii ay wada-hadal u kala dhex-dhigi laheyd maamullada Ahlusuna iyo Galmudug oo ka wada arimiya deegaanno ka wada tirsan Gobolada dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay guddi u magacaabay wada-hadaladda Galmudug iyo Ahlusunna.

Guddiga ayaa ka shaqeyn doona sidii meel dhexaad la isugu imaan lahaa isla markaana xal-waara looga gaari lahaa khilaafka soo noq-noqday.

Guddiga wasiiradda ee la magacaabay ayaa waxaa ay kala yihiin Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo sidoo kale Wasiirka arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Saciid Juxa.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale xalay la kulmay xubno ka tirsan Ahlusunna ee gobolada Dhexe.

Madaxda labada dhinac ayaa ku sugan hadda magaalladda Muqdishu, waxaana la filayaa in ay magaalladda Muqdishu uu ka furmo wada-hadaladda u dhexeeya labada maamul.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa , ayaa dhawaan waxaa uu hogaaminayay wafdi ka koobnaa xildhibaano iyo Wasiiro oo tegay magaalladda Cadaado, kuwaas oo maamulka Galmudug ku qanciyay in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha maamulkaasi. 

Maamulka Galmudug ayaa dhawaan waxaa ay dooran doonaan madaxweynaha Galmudug,  kadib markii madaxweynihii hore uu is casilay.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia