4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2017
Mareykanka oo beeniyay in duqeyn uu ka fuliyay dalka Soomaaliya 14-kii bishan


Talaado, April, 18, 2017 (HOL) –Taliska howlgalka Mareykanka ee Qaarada Africa ayaa sheegay in aysan duqeyn ka fulinin diyaarada militeriga Mareykanka koonfurta Soomaaliya 14-kii bishan April.

Warbaahinta qaar ayaa wariyay in Mareykanka duqeyn ka dhacday Gobolka Gedo uu ku dilay dagaalyahano ka tirsanaa Al Shabaab.

“Militeriga Mareykanka ma fulin duqeyn ka dhacday koonfur-galbeed Soomaaliya 14-kii  bishan, taas oo warbaahinta ay warisay”, sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay howlgalka Mareykanka ee Qarada Africa the US Africa Command (AFRICOM).

Dhinaca kale warka ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay ee Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya ay aheyd bishii January ee 2017.

16-kii bishan April, Wakaaladda wararka dalka Shiinaha ee Xinhua, ayaa baahisay 100 dagaalame oo ka tirsanaa Al Shabaab in la aaminsanyahay in lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya aroornimadii Sabtida.

Duqeynta ayaa waxaa lagu beegsaday saldhigyo ay lahaayeen Al Shabaab oo ku yaalla deegannada Wargaduud iyo Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo, halkaas oo bishii January ee sanadkii 2016 Al Shabaab ay ku dileen inkabadan 100 askari oo ciidanka dowladda Kenya ka tirsanaa.

Warkan oo lagu qoray Wakaaladda wararka dalka Shiinaha ee Xinhua, ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynyta ay ku dhinteen 20 ka mid ah taliyaasha sar-sare ee Al Shabaab oo ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Fillow iyo Cabdiraxmaan Ben Dutie, sidaasi waxaa yiri sarkaal diiday in magiciisa la sheego.

12-kii bishan April,  Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay munaasabada xuska 57 sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in dowladda diyaar u tahay wadahadal lala galo madaxda Al-shabaab.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia