4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 9 , 2014
Ganacsade Caan ah oo lagu dilay magaalada Kismaayo
Axad, March 09, 2014(HOL) :- Kooxo hubeeysan ayaa caawa fiidkii gudaha magaalada Kismaayo ku dilay mid kamid ah ganacsatada magaalada Kismaayo, waxaana ilaa imika la garanayn sababta ka danbeeysay dilka marxuumkan.

AUN Marxuumkan oo lagu magacaabi jiray Xasan Diiriye ayaa xilligii la dilayay waxa uu kusii socday xaafadiisa, waxaana lagu toogtay xaafadda Faanoole gaar ahaan nawaaxiga Dugsiga Hoose/Dhexe ee Jubba.

Marxuumkan ayaa ahaa mulkiilaha farmashi weyn oo ku yaal magaalada Kismaayo, wuxuuna kamid ahaa raga sida weyn looga yaqaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Dilkan ayaa noqonaya kii labaad ee mudo 24 saac gudahood ka dhaca magaalada Kismaayo, iyadoo xalay duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo laga soo qaaday meydka nin xoolaley ahaa, kaasoo la dilay.


Max'ed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.