4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 9 , 2014
Madaxweynaha oo Furay Keyd Shidaal oo laga Hir-geliyay Dekedda

Axad, Maarso 09, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray manta kayd shidaal oo markii ugu horreysay muddo 22-sano ah laga hirgeliyay dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in kaydkan uu yahay mid faa’iido badan ay ugu jirto dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Xafladda furitaanka kaydkan ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo ganacsatadii hirgeliyay mashruucan oo muddo laba sano ah ay howlihiisu socdeen.

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Somalia, Yuusuf Macallin Amiin Baadiyoow oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha mashruucan uu soo socday laba sano, maantana nasiib-wanaag ay noqotay maalintii ay shaqadiisa si rasmi ah u billaabatay.

“Mashruucan wuxuu ka qayb-qaadanayaan koboca dhaqaalaha dalka, waxaana uga mahadcelinaynaa ganacsatadii billaabay ee dadaalka badan ku bixiyay illaa maanta oo howsha mashruucan la furay,” ayuu yiri Baadiyoow.

Yuusuf Baadiyoow ayaa sheegay in kaydkan looga maarmayo in gaadiid shidaalka looga qaado dekedda uuna qashin fara badan raaco shidaalkaas, wuxuuna xusay in markabka shidaalka keena uu si toos ah kaydka ugu shubayo shidaalka, halkaanna laga qaadan doono.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia oo xarig jarka kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mashruucan uu yahay mid aan dhaqaale keliya laga doonayn ee uu sidoo kale ka qaybaadanayo ammaanka dalka.

“Maanta waa maalin weyn; waa maalin billow u ah dib u soo noqoshada dhaqaalaha dalka, waana calaamad tilmaamaysa in Soomaaliya ay ku socoto waddadii saxda ahayd, waaxana u hambalyeynayaa ganacsatadii hantidooda ku maal-geliyaan inay furaan kaydka shidaalka dekedda Muqdisho, iyadoo lagu jiro waqti shisheeyuhu ay dalka kala cararayaan hantiooda, iyagoo u cuskanaya inaan dhaqaale la gelin karin iyo inuusan ammaan-jirin,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Isagoo sii hadlaya ayuu madaxweynaha Soomaaliya sheegay in mashruucan aysan faa’iido ugu jirin ganacsiga dalka, balse ay amniga dalka qayb weyn ka qaadanayo, sidoo kalena ay faa’iido ugu jirto shacabka Soomaaliyeed ee gadiidka leh.

Masharuucan ayaa waxaa hirgeliyay ganacsato Soomaaliyeed, isagoo noqonaya kii ugu horreysay oo laga hirgeliyo dekedda Muqdisho tan iyo 1991-kii oo ahayd markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya