4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 9 , 2014
Jaamacadda Banaadir oo Hirgelisay Kuliyad Caafimaad (SAWIRRO)


Axad, Maarso 09, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu furayay kulliyad cusub ee culuunta caaifmaadka oo lagu kordhiyay kulliyadaha Jaamacadda Banaadir ayaa lagu qabtay shalay galab xarunta jaamacadas ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay xaflaaddaas ay ka qaybgaleen xubno aqoonyahano iyo ardayda wax-ka-barata Jaamacadda isugu jiray.

Kulliyada cusub ee lagu kordhiyay Jaamacadda Banaadir oo ah kulliyada culuunta caafimaadka ayaa waxay noqonaysaa kulliyaddii ugu dambeysay ee lagu daro kulliyadaha Jaamacadda Banaadir ee laga barto laamaha kala duwan ee cilmiga.

Waxaa xafladda ka hadlay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Jaamacada Banaadir iyo arday kala duwan oo ka warramay muhiimadda ay kulliyada culuunta caafimaadka u leedahay bulshada qaybaheeda kala duwan.

Guddoomiyaha Jaamacada Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo munasabadaas khudbad dheer ka jeediyay ayaa sheegay in dadaal dheer kaddib ay ku guuleysteen inay kuliyadaha Jaamacada Banaadir kusoo kordhiyaan kulliyada caafimaadka oo uu xusay inay muhimad gaar ah u leedahay bulshada iyo bahda caafimaadka.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

“Aad iyo aad ayay ii farxad galineysaa inaan kasoo qayb galo xafladda furitaanka kulliyada culuunta caafimaadka oo hadda kaddib ka mid noqoneysa kulliyadaha Jaamacadda Banaadir iyo gaar ahaan koorso deg-deg ah oo lagu soo saarayo arday ka qalin-jabineysa sannad kaddib qaybaha kalkaaliyaasha caafimaadka iyo umulisada oo ah labo qeybood oo baahi weyn looga qabo dalkeenna,” ayuu yiri Dalmar.

Sidoo kale, Dr. Dalmar ayaa sheegay in ardayda qaadanaysa maaddooyinkan oo isugu jira hablo iyo wiilal kor u dhaafaya 100 arday ugu dambeyntii la siin doono shahaadada koowaad ee Bachelor Degree, isagoo intaa ku daray in tallaabadani ay dhameystir u tahay riyo uu sheegay inay muddo dheer kusoo haminayeen.

“Jaamacadda Banaadir waxaa la furay 12-sano ka hor waxaa lagu furay hal kuliyad oo ah kuliyadda caafimadka oo lagu barto cilmiga dhaqtarnimada, maalintaas waan dareemaynay in bahda caafimaadka uusan ahayn oo kaliya dhaqtarka oo meel walba aan laga heli karin, bukaankana aan la joogeynin wax ka badan shan daqiiqo,” ayuu intaa ku daray guddoomiyaha.

Guddoomiyaha jaamacadda Banaadir ayaa intaa ku daray in 12-ka sano ee ay jirtay jaamacadda ay barteen qaabka loo sameeyo kuliyadaha, ayna taas u suuro-galisay in Jaamacaddu ay noqoto mid haysata aqoonsi caalami ah, isagoo xusay inay dhowr Jaacadood Jaamacado oo caalami ah uu ka dhexeeyo xiriir iskaashi oo dhinaca wax-barashada ah.

Dr. Dalmar ayaa sheegay in dhismaha kuliyada caafimaadka ay la kaashadeen ururka (Doctors Worlwide) oo ay ku bahoobeen labada jaamacadood ee ugu waa-weyn dalka Turkiga iyo machadka caalamiga ah ee loogu magac daray dhaqtarkii muslimka ahaa Ibnu Siinaa.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Dr. Dalmar waxaa uu sheegay in Jaamacadda aysan ahayn jaamacad loo furay in dhaqaale laga sameeyo; balse ay tahay jaamacad ka timid bulshada una timid bulshada oo loo abuuray inay soo saarto aqoon-yahanno dadkooda wax-tara.

“Anigoo ka faa’iideysanaya fursada waxan rabaa in halkan ka sheego maadaama aad tihiin kooxdii ugu horreysay ee Degree ka qaadan doona kuliyadan, in sadexda arday ee ugu dhibcaha badata ay qaadan doonto Jaamacadda ayna ka mid noqon doonaan macallimiinteeda,” ayuu yiri Dr. Dalmar oo la hadlayay arday saddex sano horey u soo baratay kalkaaliye caafimaad iyo umuliso oo kuliyaddan looga furay koorso deg-deg ah oo aqoontooda sare loogu qaadayo.

Hormuudka Jaamaadda Banaadir, Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo isna ka hadlay munaasabaddaas ayaa sheegay in kuliyadda culuunta caafimaadka ay ka kooban tahay sagaal qaybood, ayna hadda diyaar yihiin illaa afar qaybood, shanta kalena waxaa uu sheegay inay socdaan qorsheyaashii lagu howl-gelin lahaa.

“Qaybaha culuunta caafimaadka hadeysan jirin dhaqtarku keligiis waxba ma qaban karo, waa baalashii uu ku duuli lahaa, ujeeddada aad wax u baranaysaan waa inaysan ahaan qaadashada shahaadada Degree-ga kaliya ee waa inay salka ku heysaa sidii aqoontiinna aad bulshada wax ugu qaban lahaydeen,” ayuu yiri Biday.

Waxaa sidoo kale munasabaddaas ka hadlay, Dr. Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle oo ah madaxa qaybta taqasusiga jaamacadda Banaadir xubinna ka ah muasasadda Jaamacadaas iyo Dr. C/raxmaan Fiqi oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed kuwasoo ku dheeraaday muhimada ay leedahay kuliyaddan iyagoo ardayda wax ka baranaysa qaybaha faraha badan ee ay ka kooban tahay kuliyada kula dardaarmay inay ku dadaalaan aqoonta si ay mustaqbalka wax uga qabtaan xaaladaha caafimaad-daro ee heysta bulshada Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah ardayda wax ka baraneysa kuliyadda culuunta caafimaadka ee jaamacada Banaadir oo iyana halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin furitaanka kuliyaddan, iyagoo maamulka Jaamacadda Banaadir uga mahad-celiyey dadaalka dheerka ah ee ay u galeen hirgalinteeda, waxayna ballan-qaadeen in aqoonta ay ka bartaan ay uga faa’iideyn doonaan bulshadooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya