Ra’iisul wasaaraha oo ka Hadlay Howl-gallada ka socda Soomaaliya
Axad,
Maarso 09, 2014 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/wali Sheekh
Axmed ayaa sheegay in Al-shabaab ay dhawaan ka saari doonaan
deegaannada ay kaga sugan yihiin gobollada dalka, isagoo xusay in
deegaannadaas markii ay kala wareegaan Al-shabaab ay ku qaban doonaan
xaflado lagu dabaal-degayo ah.
Mudane
C/wali Sheekh ayaa ku sheegay hadalkan khudbad uu ka jeediyay xuska
maalinta haweenka adduunka ee 08-da Maarso oo xalayl lagu qabtay
magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.
"Haweenka
Soomaaliyeed waxay horseed u ahaayeen halganka dalka, nabaddana
qayb-weyn ayay kasoo qaateen; sidaas darteed waxaan rajeynayaa in
sannadaha soo socda aan ku xafladeyn doonno meelaha cadawgu heysto,"
ayuu yiri C/wali.
Sidoo
kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in meelaha Al-shabaab
ay ka saarayaan ay ka mid yihiin: Ceelbuur, Bu'aale, Buulo-burde,
Jalalaqsi iyo kuwo kale, isagoo Al-shabaab ku eedeeyay inay hortaagan
yihiin nabaddda iyo nolosha shacabka ku nool deegaannada ay haystaan.
Hadalka
ara’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo ciidamada dalka
Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ay howlgallo ka billaabeen deegaanno ka
mid ah kuwa gobollada Koonfurta Soomaaliya.
Ciidamada
dowladda iyo AMISOM ayaa la wareegay deegaanno kala duwan oo ay ka mid
yihiin: Xudur, Rabdhuurre, Waajid iyo kuwo kale oo ka tirsan Bakool,
iyadoo sidoo kale ay howlgallo kawadaan gobolka Gedo.
Madaxda
dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya
ayaa horay us heegay in sannadkan uu noqon doono sannadkii Al-shabaab
laga saari lahaa guud ahaan Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya