4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 8 , 2014
Shir loogu hadlayay Horumarinta & Socdaalka oo lagu qabtay Holland


Sabti, Maarso 08, 2014 (HOL) — Xarunta wasaaradda arrimaha dibadda Netherland ayaa lagu qabtay shir loogu hadlayay arrimaha horumarinta & socdaalka, qurbo-joogta iyo sida ay ugu qayb qaadan karaan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalkooda, iyo dhowrida xaquuqda ay dadka qurbo-jooga ee dalkaas ku sugan.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay wasaaradda arrimaha dibadda qaybta, socdaalka iyo horumarinta (Migration and Development) waxaana kasoo qayb-galay ururrada dowliga ah iyo kuwa maxalliga ah ee u dhaq-dhaqaaqa qurbao-joogta iyo arrimaha qaxootiga.

Sidoo kale, waxaa shirka kasoo qayb-galay xubno ka socday wasaaradda arrimaha gudaha, ammaanka iyo cadaaladda Netherlands iyo qaar ka mid ah macallimiinta jaamacadaha dalka Holland, iyadoo ujeedka shirka uu ahaa dib-u-eegis shirarkii arrimahan looga hadlay ee ka dhacay xarunta Qaramada Midoobe ee New-york sannadkii aanu soo dhaafnay ee 2013-ka iyo qorshaha UN-ka kaddib sannadka 2015 (Post, 2015).

Waxaa kaloo shirka loogu diyaar-garoobayay shirka sannadlaha ah ee bisha May 2014-ka dhacaya dalka Sweden ee loogu hadlayo arrimaha socdaalka iyo harumarinta (Global Forum Migration and Development 2014).

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Shirkan ayaa waxaa Somalia ugu qaybgalay agaasimaha hay'adda HIRDA, Faadumo Faarax oo iyadu horay ugu qayb-gashay shirarkii ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee New-York oo ku saabsanaa arrimaha harumarinta iyo socdaalka, waxayna halkaas kusoo bandhigtay warbixin la xariirtay waxyaabihii kasoo baxay shirarkii QM iyo qorshihii ay shirkaas horgesay, iyadoo xustay in qorshooyinkii ugu muhiimsanaa oo ay shirkaas geysay ay ka mid ahaayeen, sida qurbo-joogta ay ugu qayb noqon lahaayeen horumarinta dalkooda, dhowridda xuquuqda dadka magan-galyo doonka ah iyo in la sameeyo qorshe cad oo dadka qurbo-jooga ah ay ugu qayb qaadan karaan dhaq dhaqaaqyada kala geddisan sida shaqada iyo siyaasadda.

Faadumo Faarax waxay sheegtay in Soomaalida qurbaha ku dhaqan ay sannadihii ugu dambeeyay si weyn ugu qayb-qaateen dib-u-dhiska iyo horumarinta dalkooda, isla markaana muhiim ay tahay in hay'adaha dowliga ah ay ku gacan siiyaan sidii ay u sii wadi lahaayeen dhaqdhaqaaqa ay qurbo-joogta ka wadaan waddamada ay kasoo kala jeedaan, isla markaana la sameeyo qorshe lagu ilaalinayo xuquuqda dadka socdaalka ku imaanaya dalalka qurbaha ee kasoo cararaya dhibaatooyinka ka jira dalalkooda, kuwaasoo ay ku jiraan Soomaali fara badan oo xilligan ku sugan dalal aan dalalkooda ahayn.

Sidoo kale, agaasimaha HIRDA waxay sheegtay inuu jiro qorshe ay hay'adaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn ee u dhaqdhaqaaqa qurbo-joogta ay ugu qayb-qaadanayaan sidii ay qorshahooda ugu dari lahaayeen barnaamijka ay QM ka diyaarinayso  Post 2015, kaddib arrimaha socdaalka iyo horumarinta.

Kulanka waxaa sidoo kale ka hadlay madaxa wasaaradda arrimaha dibada ee Netherlands u qaabilsan arrimaha socdaalka iyo qaxootiga, kaasoo sheegay in wax lagu farxo ay tahay in xilligan ay jiraan qurbo joog fara badan oo ka qayb-qaadanaya sidii ay dib-u-dhis iyo horumarin ugu sameyn lahaayeen dalalka ay kasoo kala jeedaan, isagoo rajo ka muujiyay in shirarkan dhacay iyo kan ka dhacaya dalka Sweden ay kasoo baxaan qorshayaal muhiim ah oo dadka qurbo- joogta ah ku dhiirri-gelinaya inay dadkooda iyo dalkooda horumariyaan.

Rene van Schijdel oo ka socday wasaarada ammaanka iyo cadaaladda, Nelleke van de Walle oo ka socotay wasaaradda arrimaha dibadda, Jille Belisario iyo Sam Pormes oo ka socday dallada ururrada ajnabiga ah oo shirkaas ka hadlay ayaa dhamaantood diiradda saaray muhiimadda horumarinta iyo socdaalka iyo sidii loo hirgalin lahaa qorshayaashii kasoo baxay shirarkii UN-ka ee (High Level Dialogue Migration and Development).

Ugu dambeyn, shirkii ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibada Netherlands waxaa kasoo baxay in ururrada u dhaqdhaqaaqa qurbo-joogta iyo arrimaha socdaalka ay yeeshaan hal cod si fikirkooda iyo codkooda ay si wadajir ah u gaarsiiyaan hay'adaha caalamiga ah iyo kuwa dowliga ah, isla markaana ay uga qayb-qaataan qorshaha dowladda ee ku aaddan socdaalka iyo horumarinta.

Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere)
[email protected]
Amsterdam, Netherlands