4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 18, 2014
Uganda oo mar kale ka digtay weeraro argagaxiso oo laga fuliyo dalkeeda

Talaado, Maarso 18, 2014 (HOL) — Booliska Uganda ayaa heegan sare galiyay laamaha ammaanka ee caasimadda Kampala, kaddib markii ay soo shaac baxeen warar sheegaya in kooxda Al-shabaab ay qorshaynayso weerarro argagaxiso oo ay ka fuliyaan gudaha dalkaas.

"Waxaan helnay warar dhinaca sirdoonka ah oo la xiriira  in kooxda Shabaab ay doonayaan in ay qarxiyaan haamaha shidaalka iyo waliba xarumaha lagu iibiyo "ayuu yiri afhayeen u hadlay ku xigeenka booliska dalkaas oo lagu magacaabo Onyango Patrick.

Onyango waxaa kalo ouu sheegay in ciidamada ammaanka ee Uganda ay ilaalo gaar ah ka qaban doonaan dhamaan xarumaha laga shakisan-yahay, isla markaana la diyaariyay ciidamo gaar ah oo ka hortagi kara weerarrada qorshaysan.

"Ciidamadeena la dagaallanka argagaxisada waxa ay soo galbin doonaan gaadiidka shidaalka  ka soo qaada degmooyinka Malaba iyo Busiya ee ku yaalla  xuduudka aan la leenahay  Kenya "ayuu hadalkiisa ku daray sarkaalkan oo xusay in heegan sare ay ku jiraan dhamaan laamaha amniga qaabilsan.

Waa markii labaad oo ciidamada Uganda ay shaaciyaan digniintan ,iyadoo bishii Febraayo si lamid ah ay dowladda Maraykanka  sheegtay in weerarro argagaxiso ay ku soo fool leeyihiin Uganda, lamana cadayn goobaha sida gaarka ah loola beegsan doono.

Uganda gudaha Soomaliya waxaa ka jooga tiro ka tirsan ciidamadood, kuwaasoo qayb- ka ah howl-gallada AMISOM ee koonfurta dalka, waxaana kooxda Shabaab ay dhowr jeer oo hore ku hanjabeen  inay weeraro argagaxiso la beegsan doonaan hadii aysan dalka isaga bixin.

Ugu danbayntii bishii July 2010-kii ayey ahayd markii laba qarax lagula eegtay gudaha Uganda dad daawanayay finalkii koobka adduunka,waxaana ku naf-waayay dad gaarayay 79-ruux oo dhalinyaro u badnaa ,iyadoo masuuliyadda weerarkaasna ay ku dhawaaqeen kooxda Shabaab .

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]