4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 18, 2014
Booliiska Kenya oo Qabtay Rag la sheegay in ay Weerar Qorsheynayeen

Talaada, March 18, 2014 (HOL) - Booliiska Kenya ayaa magaalada Mombasa ku qabtay labo nin oo la sheegay in ay qorsheynayeen weerar aan ilaa iyo hadda la ogeyn halka uu bar-tilmaameedkiisu ahaa.

Labada nin oo asalkoodu uu Soomaali yahay, waxaa gaariga ay wateen laga helay labo bumbo oo macmal ah iyo weliba telefoonka gacanta oo boolisku ay sheegeen in loo adeegsan lahaa qarxinta bumbooyinka.

Henry Ondiek oo ah sarkaal ka tirsan xafiiska hay'adda dembi-baarista Kenya ee magaalada Mombasa ayaa BBC-da u sheegay, in ay heleen macluumaad muujinaya labada nin oo sida uu tilmaamay qorsheynayey weerar argagixiso oo Kenya ka dhaca.

" weli ma cadda halka uu bar-tilmaameedkoodu ahaa, balse waxan gacanta ku dhignay labo nin oo looga shekisan yahay inay argagixiso yihiin" Henry Ondiek ayaa sidaas yiri wuxuuna isaga oo hadalkiisa sii wata intaas raaciyey " si gaadmo ah ayaan ku qabanay xilli ay kusii jeedeen bar-tilmaameed aan ilaa iyo hadda la ogeyn"

Bishii September ee sannadkii hore ee 2013, waxaa weerar lagu qaaday westgate Mall oo ahayd goob laga dukaameysto oo ku taalla magaalada Nairobi ku geeriyoodey 67 qof.

Weerarka waxaa mas'uuliyaddiisa sheegtay Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa qaybta ka ah hawlgalka nabad-ilaalinta ee AMISOM.

Xigasho: BBC


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya