4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 17, 2014
Hay'adaha SMCC iyo ORDO oo Siminaar u qabtay Suxufiyiin (SAWIRRO)


Isniin, Maarso 17, 2014 (HOL) — Hay’adaha Somali Media and Culture Center SMCC iyo ORDO oo ah hay’ad maxalli ah ayaa maanta tababar ku saabsan dimquraadiyadda iyo saxaafadda ugu qabtay hoteel Maka Al-Mukarama ee Muqdisho suxufiyiin ka socday qaybaha kala duwan ee warbaahinta.

Siminaarkan oo uu gundhig u ahaa sidii lagu heli lahaa bulsho horumarinsan iyadoo loo marayo saxaafadda ayaa waxaa kasoo qaybgalay wasiir ku xigeenka warfaafinta C/llaahi Colaad Rooble iyo mas’uuliyiinta hay’adaha warbaahineed ee NUSOJ iyo SIMHA.

Aqoon-isweydaarsigan ayaa waxaa furay wasiir ku xigeenka warfaafinta, isagoo ku sheegay hadalkiisa inay wasaaraddu soo dhaweynayso tababarrada oo kale; isagoo hay’adaha siminnaarkan soo abaabulay ugu hambalyeeyay dadaalkooda.

Sidoo kale, waxaa hadlay guddoomiyaha SIMHA Xasan Cali Geeseey iyo xoghayaha guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Bakistaan oo labaduba sheegay in siminaarkan oo kale uu wax-tar weyn u leeyahay suxufiyiinta Soomaaliyeed ayna aqoontooda sare u qaadayso.

Intaas kaddib guddoomiyaha SMCC, Mukhtaar Maxamed Yuusuf ayaa sharraxaad ka bixiyay xorriyadda hadalka iyo qaybaheeda kala duwan, isagoo si qoto-dheer uga hadlay saxaafadda, wuxuuna su’aalo weydiiyay suxufiyiintii siminnaarka ku sugnaa si ay uga dhiibtaan aragtidooda ku aaddan sidii saxaafadda Somalia ay u xoogeysan lahayd, loogana shaqeyn lahaa horumarka bulshada.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Arrinta sida aadka ah looga dooday ayaa waxay ahayd farshaxanka oo kaalin weyn uga jira warbaahinta iyo wacyigelinta bulshada, iyadoo suxufiyiintii siminnaarka ka soo qaybgalay ay ka bixiyeen aragtiyo kala duwan, iyadoo qaarkood ay xuseen inay ugu wacan tahay in bandhigyo farshameed lagu qabto dalka inay tahay dowlad la’aanta dalka ka jirta, halka kuwo kale ay sheegeen inay ugu wacan tahay iyadoo aanay dhaqaale helin dadka farshaxanka ka shaqeeya.

Intaas kaddib waxaa isagana sharraxaaed ku aaddan is-barbardhigga saxaafadda caalamka horumaray iyo midda Soomaaliya ka jeediyay siminaarka Faysal Xasan oo ka mid ah golaha deegaanka ee magaalada Eskilstuna, doonayana inuu u tartamo baarlamaanka dalka Sweden dhammaadka sannadkan 2014-ka.

Faysal ayaa sheegay in warbaahinta dalalka galbeedka ay awood badan leeyihiin lana arko mararka qaarkood iyadoo siyaasiyiintu ay ka cararayaan wariyeyaasha ama ay ka dalbanayaan inaanay sii-dayn xog ay ka heleen.

Sidoo kale, Faysal wuxuu sheegay in Somalia uu ku arkay siyaasi awood leh iyo suxufiyiin aan awood badan lahayn, isagoo weydiiyay wariyeyaashii kulankaas ka qaybgalay sida ay saxaafadda Soomaaliya ku gaari lahayd heerkaas.

Dhammadkii siminaarka ayaa waxaa wariyeyaasha loo qaybiyay loo qaybiyay kooxo si ay jawaabo uga bixiyaan su’aalo laga weydiiyay xorriyatul-qowlka iyo sidii warbaahintu uga qaybqaadan lahayd nabadda.

Ugu dambeyn, waxaa suxufiyiinta la guddoonsiiyay shahaadooyin caddeynaya inay ka qaybgaleen siminnaarkan, waxaana suxufiyiintii ka qaybgalay siminnaarka ay sheegeen inay wax badan oo aanay waxba u ogoyn ka faa’iideysteen siminnaarkan.

Siminnaarka ayaa waxaa fududeeye ka ahaa Salaad Iidoow Xasan (Xiis) oo ka tirsan bahda Hiiraan Online, waxaana isaguna ka hadlay guddoomiyaha OROD, Maxamed Muuse oo suxufiyiinta ugu hamblayeeyay kasoo qaybgala siminaarka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya