4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 17, 2014
Ra'iisul Wasaaraha oo xalay la kulmay Hobollada Waaberi (SAWIRRO)

Isniin, Maarso 17, 2014 (HOL) —Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo Wasiirka Warfaafinta  Mustaf Sh. Cali Dhuxulow, ayaa kulan casho-sharaf ahaa xalay magaalada Muqdisho kula qaatay fannaaniin ka tirsan Hooballadii Waaberi.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ahaa xubno isugu jirey: hooballo, Abwaano, muusikiistayaal iyo mulaxamiistayaal. Fannaanadda Hibo Nuura oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay, Fannaanka Maxamed Xuseen Lafoole oo isna ku noolaa waayahan magaalada Muqdisho, fannaanka Siciid Da’uud Cali Masxaf, Abwaan Maxamed Xasan Barrow, Abwaan Maki Xaaji Banaadir, Majaajiliiste Cabdi Maxamed Ilka-case iyo xubno kale ayaa kulanka kasoo qayb galay.

Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa fannaaniinta kala hadlay arrimo badan, gaar ahaan wuxuu ku dheeraaday sidii loosoo nooleyn lahaa fanka Soomaaliya, fannaaniintuna ay qayb weyn uga qaadan lahaayeen wacgi gelinta bulshada.

Arrimaha uu Ra'iisul Wasaaruhu sida gaar ah farta ugu fiiqay ee uu sheegay in loo baahan yahay bulshada in laga wacyi geliyo waxaa kamid ahaa: burcad-badeednimada, tahriibka iyo weliba xag-jirnimada.

"caawa sharaf bay ii tahay inaan fursad isku helno oo aan goobtan ku wada casheyno, mana la qiyaasi karo shucuurteyda iyo sida aan ugu faraxsanahay inaan la kulmo hal-doorradii fanka Soomaaliyeed, waxanna idinku ammaanayaa inaad dalka ku nagaateen xilli ay dhacayeen dagaallo ahli ah iyo fowdo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarahu mar uu la hadlayay bahda Fanka.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday inay abuuraan heeso wadani ah oo shacabka ay ugu tilmaamayaan waxyaabaha gaarka ah ee Alle ku mannaystay dhulkeenna, gaar ahaana kheyraadka uu leeyahay, isaga oo si gaar ah uga codsaday in ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku baraarujiyaan wanaagga nabadda iyo inay ka qeyb noqdaan horumarinta iyo hagaajinta dalkooda.

Dhanka kale, Hibo Nuura oo ku hadleysay magaca Hooballada Waaberi ayaa uga mahadcelisay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda casumaadda uu u fidiyey, waxayna tilmaantay in ay ku ammaanayaan sidii wanaagsaneyd ee xukuumadiisu aaska qaran ugu sameysay Alle ha u naxariistee Maxamed Saleebaan Tubeec isla markaana u garab siisay Fannaanka Cabdi Tahliil Warsame oo Ra'iisul Wasaaruhu uu gurigiisa ku booqday isaga oo xanuunsanaya.

"anagu haddii aanu nahay bahda Hooballada Waaberi waxaan diyaar u nahay inaan qeyb libaax ka qaadano wacyi-gelinta bulsahda iyo dib u yagleelidda Qaranka Soomaaliyeed" ayay tiri Hibo Nuura oo tilmaantay in fannaaniintu ay ka mid yihiin qaybaha ugu nugul bulshada.

Shalay waxaa magaalada Muqdisho aas qaran loogu sameeyey -AHN- Maxamed Saleebaan Tubeec (Boqorka Codka) oo maalmo kahor ku geeriyoodey dalka Germany, aaskiisa waxaa kasoo qayb gala mas'uuliyiin badan oo Dowladda ka tirsan, kuwaas oo Ra'iisul Wasaare C/weli Sheekh Axmed uu kamid ahaa.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya