4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 17, 2014
CILMI-BAARIS: waxbarashada da'yarta Soomaaliyeed ee Ontario(SAWIRRO)


Isniin, Maarso 17, 2014 (HOL) — Kulan looga hadlayey dhibaatada ka haysata waxbarashada da’yarta Soomaaliyeed ee qurbaha gaar ahaan gobolka Ontario ee dalka Canada ayaa bishan 15-keedii lagu soo bandhigay masaajidka Assalam ee magaalada Ottawa.

Kullankaas oo uu soo diyaariyey Sheikh Saciid Cali Axmed ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah waalidiinta Soomaaliyeed ee deggen magaalada Ottawa.

Sheikh Saciid ayaa wuxuu halkaas ku soo bandhigay sawir muujinaya in carruurta Soomaaliyeed ee wax ka barata gobolka Ontario ay 74% ka hooseeyaan marka laga eego dhanka ardayda dugsiyada laga cayrsho (Suspension), kuwa u baahan waxbarasho gaar ah (Special Student) iyo kuwo heerka waxbarashadoodu ka hooseeyo hal-beegga u dagsan waxbarashada (Below Standard).

Baaritaankaas oo dhinacyo badan taabtay ayaa qodobadii ugu muhiimsanaa waxaa ka mida ahaa:

1)Saameynta uu dhaqaaluhu ku leeyahay waxbarashada carruurta. Baaritaan la sameeyey ayaa waxaa lagu ogaaday in qoysaska dhaqaalahoodu hooseeyo ay ka waxbarasho hooseeyaan kuwa dhaqaalahoodu sarreeyo.

2) Sidoo kale deegaanka ay deggenyihiin dadka dhaqaalahoodu sareeyo ay carruurtoodu ka waxbarsho fiicanyihiin dugsiyada deegaanada ay ku badanyihiin dadka dan yarta ah. Tusaale uu Sheikh Saciid bixiyey ayaa waxaa ka mid ahayd in lacag arruurin loo sameeyey dugsi ku yaalla deegaanka danyarta u badantahay laga aruuriyey $500 oo kaliyah; halka dugsi la mid ah oo ay deggenyihiin dad ladani ay iska arruuriyeen lacag dhan $100,000., markaasana ay muuqatay sida ay u kala sarreeyaan waxbarashada carruurta labadaas dugsi.

3) Baaritaankaa wuxuu Sheikh Saciid dadka kula wadaagay xog sheegeysa laga bilaabo 2006 – 2011, in ka badan 50% ardayda Soomaaliyeed ee ka baxda dugsiyada sare aysan sii wadnin waxbarashada sare ee jaamacadaha (Higher Education).

Bandhigga baaritaankaas ayaa wuxuu walwal iyo walaac ku reebay waalidiintii ka soo qayb galay kulankaas, waxayna uga mahadceliyeen Sheikh Saciid xog-warankaas uu u soo gudbiyey.


Bidix: Immaam Masjidka Asalaam Sheikh Mohamud Daahir, Madaxa xaruunta dhaqanka sugaanta Soomaaliyeed Sheekh Haddi iyo Agaasimaha xaruunta gargaarka qoyska Soomaaliyeed Cabdirisaaq Karood


Waxaa kaloo munaasabaddaas iyaguna hadallo ku aadan ka soo jeediyey Immaamka Masaajidka Asalaam Sheekh Maxamuud Daahir, Sheekh Maxamed Xuseen Haddi oo madax ka ah xaruunta dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed iyo Cabdirizaaq Karood oo ah agaasimaha Xaruunta Adeegga Qoyska Soomaaliyeed ee Ottawa.

Magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa waxaa waayahaan ka socday dood ku saabsan sidii loo horumarin lahaa tayada aqooneed ee ardayda Soomaaliyeed oo la sheegay in ay waxbarashadoodu ka hooseyso ardayda kale. Bishan Maarso bilowgeedii ayeey maamulka waxbarashada ee magaalada Toronto (Toronto Board of Education) waxay meel mariyeen in guddiga SOMALI TASK FORCE ay si toos ah u dhaqan-galiyeen go'aamadii ay horay u soo saareen oo lagu daryeelayo waxbarashada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii ayaa waxaa halkaa lagu go’aansaday in la sameeyo guddiyo aqoonyahanno ah oo arrintaan dabagala soona qabanqaabiya shirar dambe oo leysugu yimaado.

Axmed Gure
Ottawa, Canada