4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2014
Madaxweynaha Ximan Iyo Xeeb oo kula kulmay Dadweyne kala duwan

Axad, Maarso 16, 2014 (HOL) — Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan madaxweynaha maamulka Ximan Iyo Xeeb, C/llaahi Cali Maxamed Kadiye (Baar-leex ), wuxuuna kula shiray waxgaradka, dhallinyarada iyo haweenka kasoo jeeda Ximan Iyo Xeeb.

Shirarka uu madaxweynaha la qaadanayay qaybaha bulshada ee Ximan Iyo Xeeb  kasoo jeeda ayaa la sheegay in ujeeddadoodu ay tahay sidoo loo kala warqaadan lahaa.

“Waxaan isugu nimid sidii aan u kala warqaadan lahayn maadaama Muqdisho ay ku sugan tihiin. Ximan Iyo Xeeb xilligan waxaa ka jira isbedel buuxa, waana muhiim in laga wada shaqeeyo," ayuu yiri madaxweyne Baarleex.

Waxaa kaloo uu ka hadlay qorshaha xilligan uu wada maamulkiisa ee ku aaddan si  gobollada dhexe looga hirgelin lahaa maamul mideeya gobollada dhexe oo dhan, isagoo tilmaamay in gogosha maamulka lagu dhisayo ay taallo magaalada Cadaado.

"Qorsha aan ku dadaalayno oo aan Muqdisho u joogno waxaa qayb ka ah, sidii aan gobollada dhexe uga hirgelin lahayd maamul mid ah oo xooggan kaasoo door weyn ka qaata dadaallada lagu doonayo in lagu hormariyo nidaamka faderaalka, xilligan gogosha lagu doonayo in maamulka lagu dhiso waxay taalla Cadaado," ayuu yiri madaxweynaha Ximan Iyo Xeeb.

Madaxweyne Baarleex, wuxuu xaqiijiyay in inta badan ay is arkeen siyaasiyinta iyo waxgaradka kasoo jeeda qaybo ka mid ah gobollada dhexe ee dalka, isagoo xusay in maamulka Galmudug ay ku heshiiyeen hirgalin maamulka.

Intaas kaddib kulanka dhexmaray siyaasiyiinta, waxgaradka iyo madaxweynaha Ximan Iyo Xeeb C/llaahi Cali Maxamed Kadiye (Baarleex ), waxaa looga dhawaaqay guddi ka kooban shan xubnood kuwaasoo u meteli doonaan Ximan Iyo Xeeb guddi la filayo inay gaaraan magaalada Cadaado maalmaha soo socda oo ay shaqadoodu noqon doonto sidii ay Cadaado uga dhawaaqi lahaayeem shirka maamulkan lagu sameyn doono.

Dhismaha maamulka la doonayo inay yeeshan gobollada dhexe ee dalka, waxaa muddaba ku mashqulsana mas'uuliyinta maamulada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb oo labaduba ka arrimiya qeybo ka mid ah gobollada dhexe ee dalka.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya