4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2014
Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec oo Muqdisho lagu aasay (SAWIRRO)


Axad, Maarso 16, 2014 (HOL) — Marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec (boqorkii codka) oo toddobaadkii hore ku geeriyooday Jarmalka ayaa maanta lagu aasay Muqdisho, waxaana aaskiisa ka qaybgalay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Meydka marxuumka ayaa saaka laga soo dejiyay garoonka Aadan-cadde; iyadoo ay la socdeen qaar ka mid ah qoyskiisa, waxaana salaadda Janaasada lagula tukaday dugsiga tababarka ciidanka booliiska ee Jeneraal Kaahiye.

Sidoo kale, aaska ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirka Diinta iyo Owqaafta, Ridwaan Xersi Maxamed, wasiirka warfaafinta Mustaf Sh. Cali Dhuxulow, wasiirka duulista hawada Siciid Qoorsheel, wasiirka amniga Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiir ku xigeenno, fannaaniin, abwaanno iyo dadweyne fara badan.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Aaska kaddib ayaa waxaa hadlay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Somalia isagoo u duceeyay marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec, wuxuuna Alle uga baryay inuu u dambi dhaafo, Jannadiisana geeyo.

“Waxaan halkan tacsi uga dirayaa shacabka iyo fannaaniinta Soomaaliyeed ee uu ka baxay fannaankeena qaaliga ah. Tubeec wuxuu ka mid ahaa fannaaniinta hal-doorka ah wuxuuna caan ku ahaa dareen wadaniyadeed iyo wacyigelinta bulshada,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumada.





Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya