4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2014
Maamulka gobolka Banaadir oo ka digay in qashin lagu shubo laamiyada

Axad, Maarso 16, 2014 (HOL) — Maamulka gobolka  Banaadir ayaa ka digay in qashinka lagu shubo hareeraha waddooyinka laamiyada ah ee la dayactiray, iyadoo la sheegay in ciiddii lagu helo laga tiigsan doono sharciga.

Go’aankan ayaa kasoo baxay kulan ay Muqdisho ku yeesheen shalay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho, waxaana la xusay in go’aankan uu yahay mid lagu hagaajinayo nadaafadda Muqdisho.

“Laga billaabo maalinta Isniinta ah oo ay bishu ku beegan tahay 17-ka, ciddii kusoo shubta qashin hareeraha waddada weyn ee Maka Al-Mukarama iyo kuwa kale ee la dayactiray waxaa lala tiigsan doonaa sharciga,” ayuu afhayeenka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf u sheega warbaahinta.

Afhayeenka ayaa hadalkiisa daba-dhigay in qof walba oo lagu helo inuu dhigay ama ku shubay qashin waddooyinka ciqaabtiisu ay ka mid noqn doonto ganaax lacageed oo la dul-dhigo, waxaana tani ay kusoo beegmaysaa iyadoo waddooyinkii la dayac-tiray ay dadweynuhu ku shubayaan qashin iyo biyo wasaqeysan.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) uu dhawaan u sheegay inay xoojin doonaan ka shaqeynta nadaafadda Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya.

Dhanka kale, dowladda Turkiga ayaa waxay ka waddaa dayactirka waddooyinka ku yaalla Muqdisho qaarkood, waxaana waddooyinka la dayactiray ka mid ah tan ugu mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama, tan garoonka diyaaradaha iyo kuwo kale oo ay ka mid tahay tan isku xirta isgoyska Banaadir iyo isbitaalka Digfeer.

Inkastoo maamulka gobolka Banaadir uu soo saaray amarkan looga hortagayo in la dhigo ama lagu shubo qashinka waddooyinka dayactirka lagu sameeyay ayaanay haddana caddeyn sida uu ku dhaqan-geli karo amarkan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya