4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 15, 2014
Xildhibaano & Mas'uuliyiin shir jaraa'id ku qabtay Baydhabo (Sawirro)


Sabti, Maarso 15, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee gobolak Bay ayaa waxaa shir jaraa'id ku qabtay manta guddoomiye ku xigeenka gobalka, Shiine Macallin Nuurow iyo mas’uuliyiin kale oo kasoo baxay shirka hoteel Bakiin ka socda ee lagu dhisayo maamul goboleed ka kooban saddex gobol.

Shirka jaraa’id ka hor ayaa waxaa hadallo soo dhaweyn ah ka jeediyay hoteelka Manchester oo ahaa goobta kulanka lagu qabtay xildhibaan, Maxamed Ibraahim Xaabsade oo sheegay inay maalmahan ku jireen mideynta maamul goboleedyada shirarkoodu ka socdaan Baydhabo.

“Waxaan ku guuleysannay wajigii hore ee dadaalkeenna, waxaana noo dhiman sidii aan u dhameystiri lahayn dadaallada aan wadno,” ayuu yiri xilhdibaan Xaabsade oo ka mid ah xildhibaannada taageersan shirka maamul sameynta lixda gobol.

Sidoo kaloo, madasha ka hadlay Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo isgana ka tirsan xildhibaanada dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii loo raadin lahaa midnimada lixda gobal loona dhameystiri lahaa xubnaha maamul ee dhiman.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin iyo xildhibaanno dowladda ka tirsan iyo guddoomiyha golaha guurtada ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed ee ka kooban lixda gobol, Malaaq Xasan Shuri Maxamuud.

Shiine Macallin oo ka mid ahaa ma’suuliyiintii taageersanaa shirka maamulka loogu dhisayo saddexda gobol oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sharraaxay qodobbadii ay ku heshiiyeen iyaga oo kasoo baxay shirk aka socda hoteel Bakiin iyo xubnihii dhisay maamulka lixda gobol.

“Halkaan waxaan kaga dhawaaqayaa in maanta wixii ka dameeya aan ku biirnay maamulka Koonfur-galbeed ayna la shaqeyn doonaa,” ayuu yiri Shiine Macallin Nuuroow, iyadoo goobta uu shirku ka dhacayay uu sacab mar qura is-qabsaday.

Hoteelka uu ka dhacaya shirka jaraa’id ayaa loo diiday inay galaan wariyeyaal u shaqeynayay Universal TV, idaacadda Bar-kulan iyo idaacadda VOA-da, kuwaasoo howlwadeennada shirka jaraa’id ay u diideen inay ka qaybgalaan shirkaas jaraa’id.

Dhinaca kale, ee hotel Bakiin ee uu ka socdo shirka maamul u sameynta saddexda gobol ayaa waxaa jooga ergooyin iyo xildhibaanno dowladda federaalka ka tirsan, kuwaasoo wada shirka maamul u sameynta saddexda gobol, iyadoo Isniinta soo socota lagu wado inay gaaraan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo Shariif Xasan Sheekh Aadan uu horkacayo.

Hiiraan Online, Baydhabo