4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 15, 2014
Taliyaha AMISOM oo ka hadlay howlgallada ka socda gobollada dalka


Sabti, Maarso 15, 2014 (HOL) — Taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Silas Ntigurirwa oo shir jaraa'id ku qabtay maanta xarunta AMISOM ee Xalane ayaa sheegay in AMISOM ay xoojin doonaan deegaannada ay kala wareegeen Al-shabaab, wuxuuna taageero weydiistay shacabka Soomaaliyeed.

Jen. Silas ayaa shirkiisa jaraa'id ku sheegay in howlgallada ka socda gobollada dalka qaar ka mid ah ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu nabadeeyo Somalia, isla markaana Al-shabaab looga sifeeyaan meelaha ay Muqdisho kaga sugan yihiin.

“Howlgalkan socda waaxan doonayaa inaan idiin caddeeyo goobaha aan qabsanno aad ayaan ammaankooda u adkeyn doonaan, waxaan doonaynaa in deegaannadaas aan xasillooni kusoo dabaalno, mana ogolaanayno in Al-shabaab ay dib u qabsato,” ayuu yiri taliyaha AMISOM.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in ciidamada AMISOM iyo dowladda ay dadaal ku bixin doonaan sidii deegaanno kale oo badan ay uga saari lahaayeen maalmaha soo scoda xoogagga Al-shabaab, iyadoo aanay jirin deegaan uu si gaar ah carrabka ugu dhuftay.

Taliyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay gacan ka siiyaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda sidii Al-shabaab looga adkaan lahaa, kuwa baxsadka ahna loo soo qaban lahaa.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ka doonaynaa taageero, waxaad noo suuro-gelin kartaan inaan soo qabano Al-shabaab. Waayo waxaad tihiin kuwo awood leh oo ka qayb-qaadan kara soo qabshada Al-shabaabka cararaya,” ayuu yiri jeneraalka.

Hadalka taliyaha AMISOM ayaa imaanaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo is-garabsanaya ay Al-shabaab ka qabsadeen deegaanno dhowr ah oo ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Degmooyinka laga qabsaday Al-shabaab ayaa waxaa ka mid ah: Buur-dhuubo, Xudur, Waajid, Buulo-burte iyo kuwo kale, waxaana taliyuhu uu sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada socda illaa Al-shabaab ay cagta ka marinayaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya