4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 15, 2014
AFHAYEENKA SHABAAB: Ma dhiman warkii Kenyana waa mid been ah


Sabti, Maarso 15, 2014 (HOL) — Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo dhawaan ay dowladda Kenya sheegtay inuu u dhintay dhaawac kasoo gaaray duqeyn ka dhacday deegaanka birta dheer ee gobolka Gedo ayaa hadlay, isagoo beeniyay inuu dhintay.

Sheekh Cali Dheere ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadalka Kenya kasoo baxay, isagoo sheegay inaanay Kenya mudnayn in looga jawaabo been intaas le’eg ee ay baahiyeen, hase ahaatee ay doonayaan kaliya inay dadka muslimiita u caddeeyaan in warkaasu been yahay.

"Kenya in loo jawaabo ma mudna, beenta intaas le’egna inay sheegaan waxaa ku qasbay ciidankooda Soomaaliya kusoo duulay dhibaatada ay la kulmeen, shacabka Kenya ayaa dowladda farqaha ku dheggen baaba'a iyo halaagga wiilashooda kasoo gaaray dagaallada Soomaaliya ka socda darteen ayaa ku keentay inay beentaas ku qanciyaan qoysaaska askarta ku sugan Soomaaliya,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa sidoo kale wax lala yaabo ku tilmaamay qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida oo wararkan aad u buun-buuniyay, isagoo xusay inay ahayd in marka hore ay iska hubiyaan waxay sheegayaan.

"Waxaa la yaab ah in warbaahinta afka Soomaaliga ku hadla qaarkood ay si indho la'aanta ah warkaas u baahiyeen aadna u buun-buuniyay, waana ku ceeb inaysan ka fiirsan waxay sheegayaan. Warbaahintaasna waa kuwo ay madax-martay inay taageeraan gaalada,” ayuu mar kale yiri Sheekh Cali Dheere.

Ugu dambeyn, Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay inuu nool yahay oo uu caafimaad qabo uuna sii wado doono dagaalka uu kula jiro ciidamada AMISOM oo uu sheegay inay dalka kusoo duuleen, inta ay naftu ku jirtana ay la dagaalami doonaan inta ay dalka dib uga baxayaan.

Toddobadkii hore ayay ahayd markii afhayeenka milateriga dalka Kenya Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray duqeyn ay diyaaradahoodu ka geysteen gobolka Gedo.

Ma ahan markii u horreysay oo dowladda Kenya ay sheegtay inay dishay saraakiil ka tirsan Al-shabaab, iyadoo afhayeenka milateriga Kenya uu dhowr jeer sheegay inay xubno sare oo Al-shabaab ka tirsan dileen, balse uu warkaas beenoobay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya