Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Mar 15, 2014
PAKISTAN: gabar is gubtay kaddib markii la sii daayey kuwii kufsaday
Sabti, Maarso 15, 2014 (HOL) —
Gabar dhallinyaro ahayd una dhalatay dalka Pakistan ayaa u geeriyootey gelinkii dambe ee shalay dhaawac kasoo gaaray dab ay is qabadsiisay, kaddib markii ay maxkamadi sii deysey afar nin oo ku eedeysnaa inay kufsi-wadareed u geysteen.
Inanta is gubtey oo lagu magacaabi jirey Amiinah Biibi da'deeduna ay 18jir ahayd, waxay isku hor gubtay saldhig boolis oo ku yaalla magaalada Muzaffargarh oo ka tirsan Punjabka dalka Pakistan.
Waalidka gabadha ayaa booliska u gudbiyey dacwacd ka dhan afar nin oo dhallinyaro ah, oo Amiinah Biibi ay sheegtay inay fara xumeeyeen bishii Janaayo ee lasoo dhaafay, xilli ay kusii jeedey Jaamacadda.
Maxkamadda Muzaffargarh ayaa Khamiistii amartay in lasii daayo afarta nin ee eedeysaneyaasha ah, kaddib markii wax cadeyn ah lagu waayey booliskuna ay soo gudbiyeen waxbixin sheegaysa in gabadha laga waayey calaamado muujinaya in la kufsaday.
Arrintan ayaa muran iyo xiisad weyn ka dhalisay guud ahaan dalka Pakistan, waxaana Ururka Xuquuqul Insaanka ee Pakistan -oo ah urur madax bannaani- uu ku tilmaamay in falkani uu yahay mid muujinaya cadaalad darrada dhacday iyo sida inanta is gubtay ay u garowsanayd in xaqeedii la duudsiyey.
Maxkamadda Sare ee Pakistan ayaa looga yeeray mas'uuliyiinta maamulka gobolka Punjab iyo saraakiisha booliska ee Muzaffargarh, si ay uga jawaabaan su'aalo la xiriira kiiska ay dartiisa Amiinah Bibi isu gubtey iyo weliba sababta eedeysaneyaasha wax dembi ah loogu waayey.
Sannadkii 2011 ayey ahayd markii sidan oo kale ay Maxkamadda Sare ee Pakistan u cafisay shan nin oo maxkamadda hoose ay xukun ku riddey, kaddib markii lagu helay dembi ahaa inay kufsi-wadareed geysteen.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
RW C/weli: “Waa in loo Midoobo la dagaalanka Al-shabaab” (SAWIRRO)
3/15/2014 2:28 PM EST
Sabti, Maarso 15, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Shiikh Axmed oo maanta kulan qado sharaf ah hoygiisa ugu sameeyay culummada Soomaaliyeed qaarkood ayaa ku dhiirri-geliyay hoggaamiyayaasha diinta iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed inay gacan ku siiyaan dowladda halganka iyo dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.
Shacabka Buula-burte oo taageero u muujinaya ciidamada (SAWIRRO)
3/15/2014 12:04 PM EST
Sabti, Maarso 15, 2014 (HOL) — Shacabka ku dhaqan degmada Buula-bure oo maalin ka hor ay la wareegeen ciidamada maamulka gobolka Hiiraan kuwa AMISOM ayaa xiligan u muuqda kuwo taageero u muujinaya xoogagga is garabsanaya ee la wareegan gacan ku heynta degmada.
Xildhibaano & Mas'uuliyiin shir jaraa'id ku qabtay Baydhabo (Sawirro)
3/15/2014 9:23 AM EST
Sabti, Maarso 15, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee gobolak Bay ayaa waxaa shir jaraa'id ku qabtay manta guddoomiye ku xigeenka gobalka, Shiine Macallin Nuurow iyo mas’uuliyiin kale oo kasoo baxay shirka hoteel Bakiin ka socda ee lagu dhisayo maamul goboleed ka kooban saddex gobol.
Maraykanka iyo Ruushka oo aad isugu khilaafsan xaaladda Ukraine
3/15/2014 8:37 AM EST
Sabti, Maarso 15, 2014 (HOL) — Kulan socday muddo lix saacadood ah oo ay yeesheen xog-hayaha arimaha dibadda Maraykanka John Kerry iyo wasiirka arimaha dibadda Ruushka Sergio Lavrov ayaa la sheegay inuu kusoo dhamaaday natiijo la'aan.
Taliyaha AMISOM oo ka hadlay howlgallada ka socda gobollada dalka
3/15/2014 8:31 AM EST
Sabti, Maarso 15, 2014 (HOL) — Taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Silas Ntigurirwa ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay xoojin doonaan deegaannada ay kala wareegeen Al-shabaab, isagoo taageero weydiistay shacabka Soomaaliyeed.
Gaari miinooyin laga soo buuxiyay oo Muqdisho ku qarxay (SAWIRRO)
3/15/2014 7:47 AM EST
Sabti, Maarso 15, 2014 (HOL) — Qarax loo adeegsaday gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa maanta ka dhacay dhabarka dambe ee hoteelka Maka Al-Mukarama, iyadoo la sheegay in laba qof ay ku dhaawacmeen.
Gudoomiye Laqanyo oo faahfaahin ka bixiyay Xaaladda Buula-burte
3/15/2014 3:37 AM EST
Sabti, Maarso 15, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo HOL la hadllay isaga oo ku sugan degmada Buula-burte oo maalin ka hor ay la wareegeen ciidamada maamulka gobolka iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Afrika AMISOM ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay xaalada degmada.
Dagaallo xalay ka dhacay degmooyinka & Buulo-burte Buur-dhuubo
3/15/2014 3:22 AM EST
Sabti, Maarso 15, 2014 (HOL) — Dagaallo khasaare sababay ayaa xalay siyaabo kala duwan uga dhacay degmooyinka Buurdhuubo iyo Buulo-burte oo ka kala tirsan gobollada Gedo iyo Hiiraan, kuwaasoo ka mid ah deegaanno dhawaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen Al-shabaab.
AFHAYEENKA SHABAAB: Ma dhiman warkii Kenyana waa mid been ah
3/15/2014 2:57 AM EST
Sabti, Maarso 15, 2014 (HOL) — Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo dhawaan ay dowladda Kenya sheegtay inuu u dhintay dhaawac kasoo gaaray duqeyn ka dhacday deegaanka birta dheer ee gobolka Gedo ayaa hadlay, isagoo beeniyay inuu dhintay.
Maraykanka oo malaayiin doollar ku raadinaya saddex sarkaal oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab
3/15/2014 12:21 AM EST
Sabti, Maarso 15, 2014 (HOL) —Dowladda Maraykanka ayaa malaayiin doollar u ballan qaaday ciddii gacan ka geysata soo qabashada ama sidii loo xukumi lahaa saddex sarkaal oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.
Somali News
Car bomb wounds 2 in the heart of Somali capital
-
HOL
3/15/2014 2:51 PM EST
At least two people have been wounded in a car bomb explosion which rocked in the heart of Somali capital Mogadishu on Saturday. Residents said that the explosion was very huge that it could be heard from far distances in the city.
Controversy over the burial place of late Mohamed Souleiman
-
HOL
3/15/2014 1:51 PM EST
Mogadishu (HOL) - Acting President and the speaker of the Federal parliament of Somalia Mohamed Sheik Osman Jawari saidSaturday that the body of the late Mohamed Souleiman Tubeec will be laid to rest in the capital Mogadishuon Sunday.
Al Shabab infiltration into Mogadishu worries AMISOM
-
HOL
3/15/2014 1:32 PM EST
The commander of African Union peacekeeping mission in Somalia (AMISOM) Lieutenant General Silas Ntigurirwa said that many Al Shabab militants were planning to pour into Somali capital Mogadishu after they have suffered from severe defeats in all battle grounds in some south-central Somali regions.
US Offers Bounties for 3 Somali Militants
-
VOA
3/15/2014 1:25 AM EST
The United States is offering bounties of up to $3 million each for three members of Somalia's al-Shabab militant group. The State Department said Friday that the three hold senior roles in al-Shabab
Godane spins AMISOM military offensive as invasion
-
sabahi
3/15/2014 1:12 AM EST
When the Somali National Army and African Union Mission in Somalia (AMISOM) forces intensified their joint military operations against al-Shabaab this month and forced the group out of several key towns, al-Shabaab countered with a campaign to persuade Somalis that the Ethiopian troops serving under AMISOM were invading their country.
Somali army re-establishes Mogadishu Joint Operations Centre
-
defenseWeb
3/15/2014 1:02 AM EST
The Somali National Army (SNA) has re-established the Mogadishu Joint Operations Centre (JOC) to coordinate operations and act as an intelligence fusion cell for the country’s security arms.
Somali-Kenyans strive to change their community's terrorism-marred image
-
sabahi
3/15/2014 12:59 AM EST
Almost six months after the Westgate shopping mall terrorist attack, members of Kenya's Somali community say they are still seen as "guilty by association" with al-Shabaab, and consequently face widespread discrimination in daily life.
E.U. And U.N. Back Project To Help Somalis To Produce Food Aid
-
Xinhua
3/15/2014 12:55 AM EST
NAIROBI (Xinhua) -- The UN, EU and Austria food agencies are backing a key initiative that turns Somali farmers into suppliers of high-quality food assistance for their fellow Somali people.