4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 13, 2014
Hiba Nuura oo sheegtay in Marxuum Tubeec lagu Aasayo Muqdisho


Khamiis, Maarso 13, 2014 (HOL) — Fannaanada Soomaaliyeed ee Hiba Max'ed Huddoon (Hibo Nuura) oo ka mid ahayd fannaaniitii hoballada waaberi ee Somalia ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso inay aas Qaran u sameyso fannaankii weynaa ee Soomaaliya marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec (Boqorkii Codka) oo Talaadadii lasoo dhaafay ku dhintay isbitaal ku yaalla dalka Jamralka.

Hiba Nuura oo ka mid ah fannaaniinta haweenka ah ee sida aadka ah looga jecel yahay heesaheeda Soomaaliya oo wareysii siisay VOA-da ayaa sheegtay in Tubeec uu ahaa heesaa ay si weyn u jeclaayeen shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

“Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa ii xaqiijiyay in maydka Maxamed Suleymaan la keeni doono Muqdisho, looguna sameyn doono Aas Qaran,” ayay tiri Hibo Nuura.

Fannaanadu ma sheegin xilliga uu aasku ka dhacayo magaalada Muqdisho, balse waxay ku sheegtay wareysigeeda in qorshaha Aaska Qaran loogu sameynayo Maxamed Suleymaan Tubeec uu weli yahay mid socda.

“Anigu waxaan ku faraxsanahay in wasiirka warfaafinta uu u sheego in aas weyn oo Qaran Muqdisho loogu sameynayo marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec, halkan (Muqdisho) ayaana lagu aasayaa walaalkeen, waxaana filayaa in warkan uu yahay mid Soomaalida oo dhan ay ku farxi doonaan,” ayay hadalkeeda ku dartay.

Marxuum Maxamed Suleymaan ayaa u geeriyooday xanuun saableyda ka galay oo la doonayay in looga qalo isbitaalka uu ku dhintay, waxaana uu ku dhintay isagoo 73-jir ah.

Tubeec ayaa ahaa fannaan si weyn heesihiisa looga jecel yahay Soomaaliya, iyadoo Hiba Nuura ay ka mid ahayd fannaaniintii heesaha badan la qaaday Tubeec, iyadoo ay ka mid yihiin heesahaan hees wadani ah oo aad looga jecel yahay Soomaaliya.

Dhanka kale, dhawaan ayaa waxaa la sheegay in Marxuum Maxamed Suleymaan lagu aasi doono magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, iyadoo aan la ogeyn halka sida rasmiga ah loogu aasi doono marxuumka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya