4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 13, 2014
HIIRAAN: Ciidanka Dowladda iyo AMISOM oo Deegaanno Qabsaday


Khamiis, Maarso 13, 2014 (HOL) — Kaddib howlgal saacadihii ugu dambeeyay ay ka wadeen ciidamada dowladda ee maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa AMISOM deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, ayaa waxaa u suurtagashay  in ay gacanta ku dhigaan deegaanno ay horay u maamuli jireen xarrakada Al-shabaab.

Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan oo gacan militari ka hellaya kuwa AMISOM ee ka socda dowladda Jabuuti, oo ku baxay dhinaca galbeedka magaalada Beledweyne, ayaa gacanta ku dhigay deegaannka Buq-aqbale oo ah deegaan u muhiim u ah marka la eego howlgalada ay ku jiraan ciidamada kuna dhaw degmada Buula-burte ee gobola Hiiraan.

Abaandulaha ciidamada militariga ee gobolka Hiiraan Col Max'ed Amiin oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay wax iska horimaad aysan kala kulmin dhinaca Al-shabaab oo sida uu sheegay goor hore isaga sii baxay deegaannka Buq-aqble.

Waxaa uu intaa ku darray in qorshaha howlgalka ay ku jiraan uu yahay uu yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen magaalada Istiraatijiga ah ee Buula-burte oo saacadihii ugu danbeeyay dadka ku dhaqan soo food saartay cabsi ay ka qabaan dagaal labada dhinac ku dhaxmaray gudaha degmada.

Dhinaca kale, ilaa iyo hadda waxaan xog rasmi ah laga hellin halka ay ku sugan yihiin ciidammo qeyb ka ah howlgalka oo u dhaqaaqay wadada dhinaca bariga uga baxda magaalada Beledweyne, kuwaa oo gacan militari siinaya ciidamada howlgalka ka wada galbeeda magaalada qorshahooduna yahay in weerar labo jiho ah ku qaadaan degmada Buula-burte.

Marka laga soo  tago ciidamada isbaheysanaya howlgalka waxaa qeyb ka ah mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo uu horkacayo guddoomiyaha maamulka gobolka Cabdi Faarax Laqanayo.

La wareeegista deegaannka Buq-aqble oo qiyaastii 50-km u jirta degmada Buula-burte ayaa muhiim u ah ciidmada howlgalka ku jira.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 Beledweyne, Soomaaliya