4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 13, 2014
Ciidanka Dowladda iyo AMISOM oo u jiheystay Degmada Buula-burte

Khamiis, Maarso 13, 2014 (HOL) — Cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda ee maamulka Hiiraan oo wehliyaan kuwa midowgga Africa AMISOM oo laba dhinac ku socda ayaa saakay ku sii jeeda degmada Buula-burte oo ah saldhiga ugu ballaaran ee xarrakada Al-shabaab ku leeyihiin gobolka Hiiraan.

Ciidamada oo ku hubeysan gadiidka dagaallka ayaa galinkii danbe ee shalay ku baxay bariga iyo galbeedka magaalada Beledweyne, waxaana ay sheegeen saraakiisha ciidamada in qorshahadoodu yahay in saacadaha soo socda gudaha u gallaan degmada Buula-burte qiyaastii 125-km u jirta magaalada Beledweyne..

Wararka laga hellayo degmada Buula-burte ayaa sheegaya in dadka deegaannka bilaabeen in ay isaga barakacaan degmada, iyaaga oo cabsi qaba dagaal labada dhinac dhaxmara, iyadoo dhaq dhaqaaq xoog leh ay wadaan dagaalyahannada xarrakada Al-shabaab taasoo shaki weyn ku beertay shacabka ku dhaqan degmada.

Isgaarsiinta magaalada Beledweyne ayaa hawada laga saaray saacado ka hor, mana jirto xog rasmi ah oo laga hayo halka ay ku sugan yihiin ciidamada isbaheysanaya ee ka ruqaasaday saldhigyadii ay ku lahaayeen magaalada Beledweyne.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ee maamulka gobolka Hiiraan oo la hadllay warbaahinta ka hor inta aan la jirin isgaarsiinta ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aysan jirin wax iska horimaad ah ama iska caabin ah oo ay la kulmeen ciidamada.

Wadada isku xirta magaalada Beledweyne iyo degmada Buula-burte ayaa ah wado raf ah buurana ku hareereysan yihiin, inta badanna waxaa ka dhaca marka ay xaaladahan oo kale jiraan weeraro jid gal ah oo wax yeello ka soo gaarto dhinacyada iska soo horjeeda.

Maalmihii ugu danbeeyayba ciidamada dowladda iyo kuwa midowgga Africa AMISOM ee ka kala socda dowladdaha Jabuuti iyo Itoobiya waxaa ay wadeen qaban-qaabo ballaaran oo ay ugu jireen howlgal ka dhan ah deegaannada Al-shabaab ay ka maamulaan gobolka Hiiraan.

 La soco wixii warar ah soo kordha...

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya.