4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 13, 2014
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Addis Ababa kaga Qayb-galaya Shir

Khamiis, Maarso 13, 2014 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu uga qaybgalayo shirka 25-aad ee madaxda urur goboleedka IGAD.

Shirkaas ayaa waxaa la filayaa in ra’iisul wasaaraha Somalia uu ka jeediyay khudbo ka jeedo, taasoo uu kaga hadli doono howlgallada ka billowday gobollada Bakool iyo Gedo oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, isagoo sidoo kalena kulammo gaar-gaar ah la yeelan doona madaxda dalalka dariska la ah Soomaaliya.

Qodobbada looga hadli doono shir goboleedka IGAD ayaa waxaa ka mid ah amniga Soomaaliya iyo la-dagaalanka Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale si weyn loo faaqidi doono howlgallada ka billowday Soomaaliya iyo sidii dalka loo xasilin lahaa.

Ciidammo ka socda dalalka dariska oo ku howl-galaya magaca Midowga Afrika ayaa ka billowday gobollada Gedo iyo Bakool oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, halkaas Al-shabaab ay ku xooganayd, iyadoo ciidamada Itoobiya ka socda ay howlgalkaan hoggaaminayaan.

Safarka uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ugu ambabaxay dalka Itoobiya ayaa ah kii labaad oo uu dalkaas ku tagay tan iyo markii xilka loo magacaabay xilka ra’iisul wasaarenimada loo magacaabay dhammaadkii sannadkii hore.

Urur-goboleedka IGAD ayaa inta badan isha ku haya isbedellada gudaha Somalia ka dhacaya, iyadoo dhawaan wufuud ka socota ururkan ay yimaadeen Muqdisho iyagoo madaxda dowladda Soomaaliya kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhameystirka dhismaha maamulka KMG ah ee Jubba.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya